Jaaliyada somalida ee ku nool Harrow ayaa ka banaanbaxday ilmo somaliyeed oo la siiyay laba naagood oo isqabta(lesbian)

Filed under: Maqaalada,Videos & Articles,Wararka caalamka |

Harrow Somali protestors30/01/14, cialis usa treat Jaaliyada somalida ee ku nool xaafada Harrow ee wadanka ingiriiska ayaa ku banaanbaxday koonsilka xaafadaa iyaga oo ka soo horjeeda go’aanka ay koonsilka qaateen ee ah in ay ilmo yar oo somaliyeed ay siiyaan in ay korsadaan laba naagood oo isqabta(lesbian) ka dib markii ilmahan laga qaatay hooyadii oo xanuunsatay ilamahan ayaa waxuu jiraa da’diisa halsano iyo badh.

dadka banaanbaxayay ayaa u sheegay koonsilka in ay diintooda iyo dhaqankoodaba ay ka soo horjeedo in ay korsadaan ilmo yar oo muslim ah koonsilkuna waxuu iska indho tiray dhaqanka iyo diinta ilmaha  oo mudo hal sano ah loo raadinayay qoys korsada.  kooxdan banaanbaxaysay ayaa waxay ka codsadeen in koonsilku uu dib u dhigo in ilmaha la siiyo labadaa naagood ee is qabta arintana in dib loo fiiriyo oo ilmahan la siiyo cid ay isku diin iyo dhaqan yihiin.

nin u hadlayay koonsilka xaafada harrow ayaa sheegay in ay ilmaha la siiyo qoys kale in ay korsadaan in mudo laga fikiro waqti dheerna ay qaadato ka dibna la go’aansado ilmaha guriga oogu fiican ee ku noolaan karo. waxaa kale oo uu yidhi waan soo dhaweynaynaa walwalka jaaliyada somalida waanan kala hadlaynaa walwalkooda laakiin waan in ay somalidu ay la shaqeeyaan koonsilka xaafada ayna is qoraan cidii rabta in ay koriso ilmo aysan dhalin.

tani waxay ka mid tahay jabka iyo halaaga lagala kulmay qurbaha umad iyo dal burburayna dhibaato kasta way soo gaadhi waxaana dhibaatada soo gaadha shacabka somaliyeed mas’uul ka ah dagaal oogayaashii iyo jabhadihii wadanka burburiyay sida ANC ee uu caydiid horboodayay.

source:Harrow times

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam