Xaflad balaadhan oo ay jaaliyada DDSI ee UK ay ku qabatay magaalada London oo uu ka soo qeyb galay safiirka u qaabilsan qurbo joogta UK

Filed under: Entertainment,Wararka caalamka |

11/12/15, cialis canada buy cialis Jaaliyada DDSI ee UK ayaa Xaflad balaadhan ku qabatay huteelka Daimon west ealing, advice Xafladaas oo uu furay warbixin dheerna ka bixiyay xaalada guud ee jaaliyaada gudoomiyaha guud ee jaaliya ddsi Gudoomiye Cali cabdi takhal xafladaas ayaa aheyd mid heer sare ah loo soo abaabulay waxaana ka soo qeyb galay dad aad u badan oo isugu jira masuuliyiin sare aqoon yahano iyo culimo udiin iyo haweenka jaaliyada dadkii ka soo qeyb galay xaflada ayaa waxaa ka mid ahaa safiirka cusub ee qurbo joogta wadanka UK oo qudbo dheer ka jeediyay taa soo ku saabsaneyd isbadalka iyo horumarka ka bilowday wadanka itoobiya iyo qoryaasha 5-ta sano ee soosocota safiirka ayaa aad u amaanay firfircoonida jaaliyada DDSI madaxdeeda sare.

Waxaa xaflada ka soo qeyb galay gudoomiyaha urururka horumarinta itoobiya Marwo Sacda wali cabaas oo iyadana ka hadashay horumarka iyo nabada waxaa kale oo ka hadlay xaflada gudoomiyaha haweenka Marwo Ifraax cabdirahmaan oo aad ooga mahadnaqday dawlada horumarka iyo dadaalka ay oogu jiraan horumarinta degaanka. waxaa khadka taleefonka ooga soo qeyb galay xafladan wasiir Baashe iyo wasiirka ganacsiga khadar ismaaciil iyo wasiirka wakaalada qurbo joogta Cabdi khaliif buraale(dhoonbe) wasiir baashe ayaa khadka taleefonka warbixin dheer ka bixiyay socdaalkii horumarinta cagaaran ee madaxweynaha iyo wafdigiisii iyo xaalada guud ee dalka.

Xafladan ayaa waxay ku saabsaneyd taageerida socdaalkii uu madaxweynaha cabdi mahamoud omar ku marayay gobolada ee loogu magac daray socdaalkii horumarinta cagaaran iyo in safiirka qurbo joogta in ay isbartaan jaaliyada ddsi ee UK taasi oo si fiican u dhacday. madaxweynaha iyo wafdigiisii ayaa kulamo kala duwan la yeesheen shacabka degaanadii ay booqdeen mashaariicda uu madaxweynahu soo dhagax dhigay ayaa waxaa ka mid ahaa mashaariicyada dhanka waraabka ee baka oo ay ku baxayso 129 million oo bir waraabin doontana 25000 oo hecter oo dhul beereed ah waxaa kale oo uu madaxweynahu soo dhagax dhigay mashruuc waraabka ee sheygoosh oo ay ku bixi doonto 174, viagra 000 oo waraabin doonta 3000 oo hekter oo dhul beereed ah madaxweynahu waxaa kale oo soo dhagax dhigay mashruuc waraabka ee waji waaji oo ay ku bixi doonto 155 million waraabin doontana 3000 oo hecter waxaa kale oo madaxweynahu soo dhagax dhicay mashruuca waraabka ee maraacaate oo ay ku bixi doonto 112 million waraabin doontana 3000 oo hecter.

madaxweynaha iyo waftigiisii ayaa waxay booqdeen gobolka jarar halkaas oo uu madaxweynahu kula kulmay shacabka degaanka ay dhagax dhigeen mashaariicda waraabka halkaas oo uumadaxweynahu warbixin ka dhageystay odayaasha gobolka jarar gaar ahaan magaalada dhagaxbuur iyo hoodaale.

Socdaalka Cagaaran

Uploaded by TheProfessionals Omer on 2015-12-12.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam