Nin dabley ah oo weerar ku qaaday madhaarka Fort Lauderdale ee Folorida

Filed under: Wararka caalamka |

 

Shooting victims have been arriving at area hospitals
06/01/2017, Nin dabley ah ayaa weerar ku qaaday madhaarka Fort Lauderdale ee Folorida USA,  waxaa halkaa ku dhimatay 5 ruux waxaa dhaawacmay 8 ruux sida ay booliiska sheegeen weerarkan ayaa waxuu ka dhacay Terminal 2 ee ay dadku ka qaataan boorsooyinka marka ay saacadu aheyd 13:00 waqtiga USA.
boqolaal ruux ayaa waxay tuban yihiin dhinaca diyaaradaha ee madhaarka waxaa markiiba u soo gurmaday booliiska waxaa kale oo goobta ka buuxay ambalaasyada dadka daadgureynayay. wararka ayaa waxay sheegayaan in ninka dableyda ah uu ka soo degay diyaarad ka timid Canada waxuuna jeegareeyay qori boorsadiisii qorigu ku jiray ayaa ka qaatay suunka boorsooyinka laga qaato waxuuna galay musqusha halkaas oo uu soo cabeystay qorigiisa ka dibna bilaabay in ruux kasta oo ka soo horbaxa uu toogto. ninka dableyda ah ayaa dadiisa lagu qiyaasaa 20 jir

 

 

Hundreds of people have been forced to wait on the airport tarmac for police to clear the terminal
A shooting victim arrives at the Broward Health Trauma Center
Fort Lauderdale airport

dadkii ayaa ka cararay oo ay cabsi badan ka muuqato dadku way isku kufayeen ruux walbana waxuu is ku dayay in ka baxsado xabada madhaarkan ayaa ah mid ay aad u isticmaalaan dadka diyaaradaha kala badalaya ee dalxiiska waxaana ka dhoofta 80,000 ilaa iyo 100,000 oo ruux maalintii

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam