Shirkada shidaalka qoda ee Poly-GCL ayaa waxay bilowday shalay in qodo ceelkii 6aad oo laga qodayo Elale DDSI

Filed under: Wararka caalamka |

 

12/01/17, Shirkada shidaalka qoda ee  Poly-GCL, ayaa waxay shalay bilowday qodida ceelkii 6aad ee ay ka qodeyso Elale gobolka qoraxay ee DDSI shirkadan oo laga leeyahay wadanka china ayaa ka mid ah shirkado ka qoda batroolka gaaska dabiiciga ah ddsi shirkadan ayaa waxay horay ooga qoday ceelal gaas ah Calub, iyo Elale goobtaas oo ah ogaden basin. shirkadan si rasmi ah u bilowday qodida ceelka 6aad waxaana goob joog ka ahaa wasiirka macdanta, batroolka iyo gaaska dabiiciga ah Mr: Motuma Mekassa waxaa kale oo goob joog ka ahaa safiirka u fadhiya ethiopia wadanka shiinaha  La Yifan. Wareysi lala yeeshay wasiirka ayaa waxuu sheegay in 3 sano ka dib la bilaabi doono soo saarida iyo dhoofinta gaaska dabiiciga safiirka shiinaha ee u fadhiya ethiopia ayaa isagana dhinaciisa sheegay in mashruucyadan oo kale ay xoojinayaan xidhiidhka saaxiibnimo ee labada wadan waa shiinaha iyo ethiopia. ceelka laga qodayo Elale-7 waxaa lagu dhameyn doonaa mudo 6 bilood ah sida ay shirkadu sheegtay. labada goobood ee batroolka iyo gaaska dabiiciga ah laga qodayo ayaa waxaa la sheegay in gaas gaadhaya 4.7 trillion cubic uu ku jiro gaaskan ayaa waxaa la helay sandkii 1970 laakiin colaad iyo xasilooni la’aan ka jirtay dhamaan ethiopia gaar ahaan ddsi ayaa mudadaa dheer loo soo saari waayay gaaska iyo batroolka ku jira ddsi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam