Madaxweynaha Gambia oo la dhaariyay

Filed under: Wararka caalamka |

 

19/01/17, Madaxwynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ee Dakar ee Senegal.

Qudbadiisii ayuu Madaxweyne Barrow ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika, ECOWAS iyo Qaramada Midoobay inay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia.

Wuxuu sidoo kale ku dhiiri galiyay ciidamada Gambia inay joogaan xeryahooda, wuxuuna sheegay kuwa aan joogin xeryahooda in loo arki doono mucaarad.

Dhaarinta madaxweynaha ayaa lagu qabtay magaalada Dakar ee Senegal, kadib markii madaxweynihii hore ee Yahye Jammeh uu diiday inuu xilka ka dego kadib markii laga guulaystay bishii desember

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa ciidamo u soo diray xadduuda si ay cadaadis u saaraan Mr Jammeh in uu xilka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay oo hada jooga wadanka senigal ciidanka Gambia ayaa lagu qiyaasaa in ay gaadhayaan 1000 askari wararka ayaa sheegaya in ciidamada ka kala socda wadamada senigal,jad,nigeria ay galeen gambia dad badan oo shacab ah ayaa ka qaxay wadanka galayna senigal iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal dhex maro ciidanka dawladaha dariska ah ka socda iyo kan wadanka gambia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam