Waxaa ku guuleystay tartankii madaxweynaha somalia Mohamed abdullahi mohamed (farmaajo)

Filed under: Wararka caalamka |

9/02/17, Waxaa loo doortay jagadii madaxweynaha federaalka somalia mudane Mohamed cabdullahi mohamed(farmaajo) oo ahaan jiray raiisul wasaaraha somalia hayayna xilkaa mudo dhan 8 bilood.

 

Khudbad uu u jeediyay xildhibaanada ayuu ugu mahadceliyay Xasan Sheekh Maxamuud sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay, waxaa kale oo uu ammaanay Shariif Xasan.

Doorashada ayaa dhacday iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Siday Doorashadu u dhacday

Xildhibaanno 328 ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ka qaybqaatay codaynta doorashada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in hal xildhibaan oo xanuusan oo kali ah uu ka maqnaa.

Kuwa ku lugta leh codeynta waxay qabaan kalsooni, iyagoo ku macneeyey talaabo muhiim ah oo horey loo qaaday waddan in muddo ah deganaansho la’aan ahaa kaas oo ku jira liiska madaxweyne Donald Trump ee xayiraadda safarka todobo waddan oo dadkoodu u badan yihiin Muslimiin.

“Dhamaanteen si wanaagsan ayaan ugu diyaarsannahay doorashada madaxweynaha cusub, waa tijaabo dimuqraadiyad curdan ah” sidaa waxaa yiri Axmed Cali oo ah xildhibaan.

Wareegga koobaad ee doorashada waxaa ka qayb qaatay 21 murashax.

Madaxweynaha waxaa doortay xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha ShacabkaLahaanshaha sawirka.
Image captionMadaxweynaha waxaa doortay xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

Yaa u gudbay wareegga labaad?

Wareegga labaad waxaa isugu haray

Xasan Sheekh Maxamuud – 88 cod

Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” – 72 cod

Shariif Sheekh Axmed – 49 cod

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke – 37 cod helay ayaase iskii uga haray wareegga labaad.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay “in doorashada wareegga labaad ay ka xamaasad badnayd middii koobaad”.

Farmaajo ayaa si layaab leh codad badan u helay wareeggii labaad.

Saddexdii murashax ee isugu soo haray wareegga labaad
Image captionSaddexdii murashax ee isugu soo haray wareegga labaad

Codadkii la kala helay wareegga labaad

  • Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” – 184
  • Xasan Sheekh Maxamuud – 97
  • Shariif Sheekh Axmed – 46

Arrintaas ayaa xaqiijisay in Farmaajo iyo Xasan ay u gudbaan wareeg saddexaad.

Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aansaday in ninkii roonaaday wareegga labaad uu reerka u haro.

Damaashaadka doorashada Farmaajo

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku farxay oo u damaashaaday madaxweyne Farmaajo, meelaha la xaqiijiyay in looga damaashaaday waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

Shacabka oo kali ah ma ahayn ee xildhibaanada Soomaaliya ee doortay ayaa iyaga sacab iyo sawaxan isku daray markii ay caddaatay in uu masiirka umadda la wareegay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam