Abaar Xun oo ku habsatay Somalia

Filed under: Wararka caalamka |

12/03/17, Wadanka Somalia oo ay saameysay abaar ba’an oo ay dad iyo xoolo badan ku dhamaadeen dad lagu qiyaaso 6.2 million ayaa waxay u baahan yihiin caawimaad raashin oo deg deg ah ilaa iyo caruur gaadheysa 363,000 ayaa macaluul u dhimanaya una baahan in la badbaadiyo naftooda biyihii ayaa way qalaleen dadka badidood waxay cabaan biyo wasakh ah oo laga qaadayo cudurka kolera. cudurkan kaloraha waxuu ku dhacay dad ku dhaw 8,000 waxaana dhintay in ka badan 180 ruux waxaa kale oo khatar ku sugan in ay qaadaan cudurka koleraha dad gaadhaya 5.5million.

Abaartan o dheeraatay iyo colaado sokeeyo oo is kaashaday ayaa iyo kooxaha argagixisada al-shabaab ayaa waxay hoos u dhigeen in ay cuntadii iyo biyihii yaraadaan Somalia ma’ahan markii oogu horeysay ee ay abaaro laxaad leh ku habsadaan waana markii sedexaad 25 sano gudahood dad gaadhaya 10 million ayaa qarka u saaran in ay gaajo u dhintaan. hay’ada samafalka ee OXFAM ayaa waxay ku eedeysay aduunweynaha iska dhaga tirida in loo soo gurmado somalia aduunyahaduna gurmadkeedu waa mid gaabinaya ilaa iyo shan sano wali wuu sii gaabinayaa.

 

Hay’ada Qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqday codsi si looga hortago abaarta laxaadka leh ee ka dilaacday dhawr dal oo kala ah┬áSomalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria waxaa laga yaabaa caruur gaadheysa 1.4 million in ay sanadkan ay gaajo u dhintaan si looga hortago dhibaatadan ayaa waxaa loo baahan yahay $4.4billion ugu danbeyn bisha 7aad ee july. marka waa in ay aduunyadu ay talaabo deg deg ah qaadaan si looga hortago abaarta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam