Xaakimkii diiday amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Islaam ah ayaa ku kordhiyay mudo aan cayimeyn

Filed under: Wararka caalamka |

 

Cabasho weyn ayaa laga muujiyey xayiraadda  29/03/17,

Xaakim ka tirsan Federaalka Maraykanka oo jooga Hawaii ayaa wakhti aan la cayimin kordhiyey inay sii jirto hakinta amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Islaam ah.

Xukunka xaakim Derrick Watson ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Mr Trump laga hor joogsado dhaqan galinta mamnuucista socdaalka ee Mr Trump inta maxkamadaha la isla marayo.

Xaakim Derrick Watson ayaa muddo aan cayimin kordhiyey inaan la dhaqan galin xayiraadda
 Xaakim Derrick Watson ayaa muddo aan cayimin kordhiyey inaan la dhaqan galin xayiraadda

Dacwad ayuu gobolkaas ku sheegay in mamnuucista ay waxyeello u gaysanayso dalxiiska iyo awoodda uu gobolka uu ku qoran karo arday iyo shaqaale ajnabi ah.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in mamnuucistiisa dib u eegista lagu sameeyey ay hor istaagayso argagixisada inay soo galaan Maraykanka.

Bishaan gudaheeda ayuu Trump soo saaray amar ka mamnuucaya muwaadiniinta dalalkan inay Maraykanka tagaan
Image caption Bishaan gudaheeda ayuu Trump soo saaray amar ka mamnuucaya muwaadiniinta dalalkan inay Maraykanka tagaan

Xaakim Watson ayaa xukunka soo saaray Arbacadii, ka dib markii uu dhagaystay doodda qareennada ka kala socday gobolka Hawaii iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.

Go’aankiisii hore ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhaqan gelinta xayiraadda ayuu ka daba keenay amar ah in aan la dhaqan gelin xayiraadda ilaa iyo inta kiiska go’aan laga gaarayo.

Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, 120 maalmoodna mamnuucaya qaxootiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam