Madaxweynaha Cabdi mohamoud omar iyo waftigii uu hogaaminayay oo gaadhay Marsin

Filed under: Wararka caalamka |

30/03/17, Wafti balaadhan ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxay socdaal ku marayeen gobolada dalka iyaga oo la qeybsanaya dhibaatada abaaraha madaxweyanaha ayaa ku sugnaa gobolka doolo ayaa hada waxuu soo gaadheen magaalada marsin ee gobolka Qoraxay.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa magaalooyinkii iyo tuulooyinkii ay marayeen waxay u qaybinayeen raashin ,biyo daawooyin iyo anfaca xoolaha .

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa kulamo la yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan iyaga oo kala qeyb qaatay xaalada ay ku sugan yihiin. maadxweynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay usii gudbi doonaan degmada gaashaamo. ma’ahan markii oogu horeysay oo uu madaxweynahu uu socdaal ku maro gobolada dalka si uu oogu kuur galo xaalada abaaraha deeq raashina u gaadhsiiyo meelaha ay abaaruhu saameeyeen waa madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa jecel horeyna looma arag madaxweyne la mid ah oo soo mara dawlad degaanka somalida itoobiya oo dadkiisa meel kasta oo ay joogaan oogu taga tuulo magaalo iyo baadiyaba.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam