Codbixintii Turkiga in la badalo konistituushinka wadanka ayaa lagu codbixiyay Haa

Filed under: Wararka caalamka |

16/04/17, Codbixintii Turkiga ee in cod loo qaado badalida koinistituushinka doorashada Turkiga taasi oo siineysa awood dheeraad ah madaxweynaha Erdogan ayaa loogu codeeyay Haa wararku waxay sheegayaan in haa vote uu helay 51.35% meesha ay maya vote ay heleen 48.65% dadka taageersan madaxweynaha talada haya ee erdogan taageerayaashiisa ayaa sheegay in badalida habka doorashada baarlamaaanka loona badalayo habka awooda madaxweynaha uu horumarinayo wadanka Turkiga.

labada xisbi ee mucaaradka ah ayaa diidan natiijaada codbixinta hadii ay hirgasho in la badalo konistituushinka codkuna uu noqdo haa kama danbeystii ayaa waxay awood u siin doontaa in madaxweynaha turkiga Erdogan uu xukunka sii heyn doono ilaa iyo sanadka 2029 wararka ayaa waxay sheegayaan in 3 ruux lagu toogtay goob lagu bixinayay codka muran ka dhashay sidii ay codka u bixin lahaayeen. dad ka taageerayaasha xisbiga talada haya ee AK party ayaa waxay ku sii qulqulayaan xarunta xisbiga iyaga oo rajeynaya in cod bixintu noqoto Haa baabuurta ayaa yeedhinaya hoonka waxayna qaadayaan heesaha taageerada isbadalka ugu weynaa ee siyaasadeed ee soo marta wadanka Turkiga sida wararka hordhacu sheegayaan ayaa ah in codbixinta ay tahay haa laakiin waxaa muran ka qaba labada urur ee mucaaradka ah iyaga oo ku eedeeyay wax isdaba marin ah iyo musuqmaasuq iyaga oo sheegay in ay hay’adaha dawladu ay badaleen jawaabta codbixinta waxayna sheegeen in dacwad u gudbin doonaan maxkamada sare.

tani waxay noqonaysaa isbadalkii siyaasadeed ee ka dhacay wadanka turkiga ilaa iyo intii ay republic noqdeen hal qarni ka hor madxweynaha ayaa waxuu yeelanayaa awood dheraad ah in uu magacaabi karo golaha sare ee wasiirada,iyo in uu saxiixo sharciyada wadanka iyo in uu magacaabo maxaakimiinta sare iyo in uu kala diri karo baarlamaanka oodhan nidaanka cusub ayaa waxuu tirtirayaa shaqadii ra’iisul wasaaraha taasi oo awooda oodhan ay gacanta u gali doonto madaxweynaha isaga oo ay waxkasta ay hoos imaanayaan madaxweynaha. madxweyanaha Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadalka siyaasada si wax looga qabto xaalada adag ee nabadeed ee la soo daristay wadanka turkiga¬†waxuu sheegay in nidaamkan uu la mid yahay habka mareykanka iyo faransiika ay ku maamulaan wadankooda wana hub fiican oo shaqeynaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam