Shirka London oo diiradda lagu saaray amaanka iyo gargaarka Soomaaliya

Filed under: Wararka caalamka |

 

Shirka London

11/05/17, Magaalada London waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ay marti gelineyso dowladda Britain. Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

” Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Shirka ayaa lagu taageeray qorshaha mustaqbalka lagu doonayo in ammaanka Soomaaliya ay si buuxda uala wareegeen ciidan qaran oo ay Soomaali leedahay. Qorashaha ay AMISOM hawlaha ammaanka ugu warejineyso ciidammada Soomaaliya aya ala sheegay inuu billaabmi doono dhammaadka sanadka 2018ka.

Dadaalada kala duwan ee ku aadan dhismaha ciidan qaran

  • Britain ayaa dhawaan magaalada Baybdho ka billaabi doonto barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
  • Isku Taga Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu isna dhiso xarun casri ah oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya,
  • Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab,
  • Turkiga ayaa isagana wada tababaridda siinaya sarakiisha ciidanka soomaliya.
Kenyatta ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidammada AMISOM
 Kenyatta ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidammada AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

”Cunaqabteynta hubka ee sanadooyinka badan saaran Soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii”, ayuu yiri madaxweynaha.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam