Dawlada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in si deg deg ah looga qaado cunaqabateynta

Filed under: Wararka caalamka |

16/07/17, wadanka faransiiska ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah cunaqabateynta laga qaado wadanka Qatar cunaqabateynta ayaa waxaa ku soo rogay wadamada kala ah Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain mudo bill ah iyaga oo ku eedeeyay in ay Qatar taageerto ururada argagixisada iyo xidhiidhka ay la leeyihiin wadanka Iran. wadanka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in sida oogu dhakhsaha badan loo qaado cunaqabateynta iyo kala goynta qoyasaska QATAR ee ku go’doonsan wadamadaas iyo ardada raiisul wasaaraha Faransiiska Mr: Jean-Yves Le Drian ayaa u sheegay wariyayaasha markii uu booqday Doha markii la kulmay raiisul wasaaraha wadanka Qatar Sheikh mohamef Al-thani raiisul wasaaraha faransiiska ayaa booqan doona wadanka Saudi arabia waxuuna ooga soo gudbi doonaa wadanka Kuwait oo wada dhexdhexaadin sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa wadanka Qatar.

waxaa kale oo booqaday wadamada bariga dhexe raiisul wasaarayaasha wadanka ingiriiska iyo germany si ay u dajiyaan iska horimaadka u dhaxeeya wadamadan waxaa kale oo wiigan booqasho ku tagay wadamadan raiisul wasaaraha ariimaha dibada ee wadanka mareykanka Mr:Rex Tillerson si uu xal deg deg ah oogu helo xaalada ka taagan wadamadan GCC. Waxaa kala saxiixday Qatar iyo America heshiis looga hortagayo dhaqaale siinta aragagixisada 4 tan wadan ee cunaqabateynta ku soo rogay wadanka Qatar ayaa wali cunaqabteyntii ay saaran tahay qatar. wadamadan ayaa shuruudo ka kooban 13 qodob ku xukumay wadanka qatar in ay fuliyaan kadibna laga qaado cunaqabateynta laakiin wadanka qatar wuu diiday amarkaa la siiyay in ay u hogaansamaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam