Qarax Muqadishu baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay wadada waxaana ku dhintay 3 ruux

Filed under: Wararka caalamka |

04/08/17, Qarax mugadishu baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta lagu qarxiyay wadada maka al mukarama waxaana qaraxaas ku dhintay 3 ruux dad goobta ka dhawaa ayaa sheegay in ay maqleen qarax xoog badan ka div salaadii cishaha qaraxaas waxaa ku dhaawacmay sida ay wararku sheegayaan dad badan. dadkii arkayay qaraxa ayaa sheegay in baabuurka lagu baarkin gareeyay wadada oo u dhaw cisbitaalka.

ilaa iyo hada wax sheegtay in ay ka danbeeyeen qaraxaas ma uu jiro laakiin sida la aaminsan yahay waxaa qaraxaas ka danbeeyay kooxda argagixisada ah ee al-shabaab oo weerar iyo dagaal joogta ah kula jirta dawlada iyo shacabka somaliyeed iyo ciidanka AMISOM. bilihii oogu danbeeyay ayaa kooxda al-shabaab waxay weeraro isdaba joog ah u geysatay huteelada iyo xarumaha ciidamada gaar ahaam ciidanka AMISOM ee kenya oo ay kooxdan meel oogu dhuunteen askar badana ka dileen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam