Uhura Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii tartanka madaxweynaha Kenya

Filed under: Wararka caalamka |

12/08/17, Tartankii doorashada madaxweyanaha kenya ayaa waxaa ku guuleystay Uhuru Kenyatta oo ahaa ahaa madaxweynaha 5-tii sano ee la soo dhaafay doorashadan ayaa waxaa la tartamayay raila odinga oo lagaga guuleystay doorashada raila odinga ayaa sheegay in doorashada in lagu shubtay oo la badalay natiijada iyada ooo hacking lagu sameeyay kombuutaradii doorashada sida uu sheegay railla odinga.

laakiin waxaa arintaa beeneeyay ilaaliyaashii doorashada oo isgu jiray afrikan iyo ajnabi. rabshado badan ayaa ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Garissa ee waqooyiga kenya halkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad badan. wali waxaa laga cabsi qabaa in ay rabshaduhu ay sii xoogeystaan dawlada kenya ayaa waxaa soo daadisay ciidan iyo booliis aad ubadan oo la dagaalami doona waxii rabshado ah ee ka bilowda dalka.

madaxweynaha somalia Mr: Farmaajo ayaa u tahnidayeeyay madaxweynaha la doortay ee kenya uhuru kenyata madaxweynaha somalia ayaa yidhi dib u doorashada madaxweyanha uhuru kenyatta waxay xoojin doontaa wadashaqeynta iyo isku soo dhawaanshaha labada wadan ee somalia iyo kenya waxaa kale oo uu yidhi madaxweyne farmaajo aniga iyo madaxweynaha kenya in aan isaga mid nahay aragtida nabada,xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha ee labadaanada wadan iyo degaanka afrikada bari. waxaa kale oo uu madaxweyne farmaajo cadeeyay in ay ka go’an tahay kawada shaqeynta nabada iyo dhaqaalaha anaga iyo kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam