Mareykanka oo sheegay in ay weerar diyaaradeed ku dileen 7 ka tirsan ciidan Al-shabaab

Filed under: Wararka caalamka |

17/08/17, Ciidanka militariga mareykanka ayaa sheegay in weerar diyaaradeed maanta ku dileen 7 ka mid ah  kooxda argagixisada ee al-shabaab maamulka Trump ayaa waxay kordhiyeen weerarada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Afrika. afhayeenka ciidanka mareykanka ayaa sheegay in laba weerar oo ay qaadeen maalintii arabacada iyo khamiista kuna qaadeen kooxda argagixisada ee ka dagaalama jilib oo u jirta 320km magaalada muqdishu ay ku dileen 7 dagaalyahan oo al-shabaab ah, dawlada somalia ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay qaar ka mid ah madaxda al-shabaab oo qorsheynayay weeraro lala beegsado magaalada muqdishu.

ciidanka mareykanka ayaa sheegay weerarkii ay ciidanka mareykanku qaadeen 4-ta AUG ay ku dileen hogaamiyaha al-shabaab mr: Ali mohamed hussein isaga oo ku gabanayay meel ka tirsan koonfurta somalia. kooxdan al-shabaab ayaa waxay weeraro isdaba joog ah oo dhimasho iyo dhaawac sababa ay ka geystaan magaalda muqdishu kooxdan ayaa u jeedadoodu waxay tahay in afganbiyaan dawlada somalia wadnka somalia ayaa waxuu ku jiray xasilooni la’aan in ka badan 25 sano ilaa iyo inta ay meesha k abaxday dawladii dhexe ee somalia.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam