Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa ciidan u direysa degaanka oromada ee lagu laayay Somalida itoobiya

Filed under: Wararka caalamka |

16/09/17, Dawlada federaalka itoobiya ayaa ciidan u direysa degaanka oromada ee ay ku laayeen dad shacab ah oo somali ah oo u dhashay degaanka somalida itoobiya. maamulka sare ee degaanka somalida ayaa sheegay in lagu dilay 50 ruux magaalada Aweday oo ay dileen oromada gadoodsan oo u dilay dadkan shacabka si arxan daro ah. laakiin maamulka oromada ayaa sheegay in lagu dilay halkaa 18 ruux.

 

dadka la laayay ayaa waxaa lagu dilay mindiyo sababta loo dileyna ay dhalashadoodu tahay somali madaxweynaha somalida itoobiya ayaa xiligii la aasayay dadkii la laayay sheegay in maamulka dawlada oromadu aysan badbaadinin xiligii la dilayay dadka somaliyeed. wasiirka warfaafinta federaalka itoobiya ayaa sheegay in la xidhay 200 oo ruux oo lagu tunsan yahay in ka danbeeyeen dadkii la laayay walina qaar kale la raadinayo. maamulka oromada ayaa sheegay in rabshadaha lagu laayay dadka somalida ay ka dhasheen ka dib markii ay ciidanka liyuu booliska ay dileen 3 ruux oo oromo ah bishii la soo dhaafay.

 

muranka u dhaxeeya xadka somalida iyo oromada ayaa socday in mudo ah sanadkan bishii April ayaa waxaa heshiis kala saxiixday labada maaul oo lagu xalinayo xuduudaha ay labada maamul isku heystaan. degaanka somalida itoobiya ayaa waxaa ka jiraa abaaro ka dhashay roobka oo aan in mudo ah di’in.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam