DAAWO: Waxgaradka jaaliyada ddsi ee UK ayaa waxay dirayaan Tacsi dadkii lagu laayay degaanka Oromada

Filed under: Wararka caalamka |

18/09/17, Tacsi inaa lillah wa inaa illahi raajucuun  Qaar ka mid ah waxgaradka jaaliyada ddsi ee UK ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkii somaliyeed ee sida xaqdarada ah ay Oramadu oogu laayen degaankooda waxay oromada ku leysay dad somaliyeed oo ka soo jeeda ddsi . waxaa weerarkaa arxan darada ah ku dhintay in ka badan 40 ruux dadkan lalaayay wax ay galabsadeen ma jirto. waxaa ciidan federaalka iyo kan ddsi eee liyu police ay ka soo daayeen in ka badan 300 oo ay oramadu u haysteen in laayaan. anaga oo ah waxgaradka jaliyada ddsi ee UK ayaa waxaan ka codsaneynaa in dawlada federaalka itoobiya iyo degaanka ddsi ay iska kaashadaan sidii loo horkeeni lahaa gacan ku dhiiglayaasha sida arxan darada u laayay dadka shacabka ah ee waxba galabsan laguna weeraray goobahooda ganacsiga iyo guryahooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam