Doorasho been ah oo lagu qabtay London taasi oo lagu afduubanayay jaaliyada ddsi ee UK

Filed under: Wararka caalamka |
04/11/17, Warbixin Muhiim ah oo ku saabsan jaaliyada ddsi ee uk sida aad lawada socotiin jaaliyada ddsi ee uk waxay mudo dheer ku jirtay buuq iyo jaho wareer taasi oo ka dhalatay xukun jecleysi iyo dano gaar ah.
 
odayaal u dhashay degaanka oo uu hormuud u yahay Jamaal xaaji siraad ayaa dhawr goor isku dayay in ay xaliyaan khilaafaadka jaaliyada laakiin nasiib daro maamulka waqtigoodu dhamaaday xal marnaba diyaar uma aysan aheyn maamulka waqtigoodu dhamaaday waxuu ku ekaa 23/05/17 ilaa iyo waqtigaas waxaa jiray cago jiid dhinaca maamulka waqtigoodu dhamaaday in ay doorashadii jaaliyada qabtaan. jaaliyada ddsi ee uk ayaa waxaa ku soo hadhay in ka yar 3 gobol sida aad lawada socotiin ddsi waxay ka kooban tahay 11 gobol su’aasha jawaabta u baahan ayaa waxay tahay aaway dadkii degaanka ka soo jeeday maxay dadku ka qaxeen waa maamul xumada iyo isqabqabsiga jaaliyada.
 
kooxda mideynta jaaliyada ayaa waxay la xidhiidheen safaarada iyaga oo u gudbiyay cabashadooda iyo in la dhiso jaaliyad loo wada dhan yahay. safaarada ayaa waxay tidhi gobol walba dib ha isu soo habeeyo hana soo diyaariyaan 9 kii ruux ee gudiga fukinta jaaliyada waxaana la qaban doonaa doorasho loo wada dhan yahay 4-ta November 2017 maalin ka hor 3/11/17 ayay safaaradu nala soo xidhiidhay waxayna noo sheegeen in shirkii doorashada jaaliyada dib loo dhigay maadaama uu khilaaf badan ka dhex taagan yahay jaaliyada loona baahan yahay in la sii wado wada hadaladii jaaliyada si loo gaadho xal loona dhiso jaaliyad loo wada dhan yahay. anagu amarkii safaarada ayaan qaadanay oo waan ka baaqanay doorashadii laakin maamulka waqtigoodu dhamaaday ayaa waxay diideen amarkii safaarada ee ahaa in doorashada dib loo dhigo waxayna kireysteen hool mukhaayad ku dhex yaala halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u yar.
 
waxaa fool xumo ah ama waxa laga xishoodo ah in ay kooxda maamulkoodu dhamaaday ay go’aansadaan in ay cali takhal dhahaan adigu dib isu dooro 2 sano oo kale waa sharci daro wax doorasho lagu tilmaami karana ma’ahan waayo looma dhameyn oo waxaa ka maqnaa in kabadan 8 gobol.
waxaan halkan ka cadeyneynaa in aanaan marna aqbaleynin in la afduubto jaaliyada ddsi ee uk ee ka dhaxaysay 11-ka gobol ee degaanka mana aqoonsanin ninkaa dib isu doortay iyo xilka uu sheeganayo waxay aheyd mid u dhacday si musuqmaasuq ah oo aysan waxba ka jirin , waxay aheyd doorasho lala dhuuntay waxana kama jiraan. waxaan la socodsiineynaa dhamaan ddsi in ay isu diyaariyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo loo wada dhan yahay taasi oo lagu qaban doono safaarada ethiopia ee london.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam