War deg deg: Shir balaadhan ay yeelatay jaaliyada ddsi uk oo ka dhacay London

Filed under: Wararka caalamka |

10/11/17, Waxaa habeenkii khamissta ahaa 9/11/17, ay jaaliyada ddsi ee uk ay shir balaadhan ku yeelatay magaalada London shirkaas oo ku sabasanaa sidii go’aan loo dhan yahay looga soo saaro dib isu doorashada sharci darada ah ee ay ku kaceen maamulkii hore ee jaaliyada ee uu waqtigoodu dhamaaday. maamulkii hore ee jaaliyada waqtigoodu dhamaaday ayaa waxay maalintii sabtida 04/11/17 ay shir qarsoodi ah ku qabsadeen mukhaayada blue ocean oo ku taala shepherd bush.

Shirkaas ayaa waxaa taleefono loo diray intii ku dhaweyd gudoomiyihii hore ee jaaliyada iyo koox yar oo saaxiibadii ah oo looga yeedhay qaar ka mid ah gobolada iyo dad aan degaanka u dhalanin oo kaadhadh foojeri ah loo sameeyay laguna yidhi gobolkaa, sheego in aad ka soo jeedo, waxaa cadeyn kuugu filan video ay iska duubeen bal dib u fiirso waxaa ka buuxa wajiyo cusub, waa la is yaqaana dadkii jaaliyada ka tirsanaan jiray ama ka midka ahaa meesha way ka maqnaayeen.

Maamulkii hore ayaa waxay amar diido ku sameeyeen safiirka safaarada federaalka itoobiya taladiisii aheyd in doorashada dib loo dhigo si jaaliyada la isugu soo dhaweeyo loona xaliyo khilaafaadka jira khilaafaadkaas oo ka bilowday gudoomiyihii hore oo ku kacay falal xun oo ay ka mid yihiin xukun jecleysi,kala qeybin jaaliyada iska horkeen gobolada, Nin jecleysi iyo dadkii jaaliyada u soo halgamay oo loo geysto aflagaado iyo cay ay ka mid yihiin in lagu shabadeeyo waa nabad diid iyo waa ubbo iyo waxyaabo ka sii xun, amar diidaa ka dib ayay kooxda waqtigoodu dhamaaday waxay shir qarsoodi ah ku qabsadeen blue ocean halkaas oo ay si sharci daro ah oogu dhawaaqeen, in ay dib u doorteen Mr.Cali takhal doorashaas waa mid aan waafaqsaneyn sharciga jaaliyada waana doorsho aysan waxba ka jirin dadkii ahaa lafdhabarta, jaaliyada ee lagu shaabadeeyay waa nabad diid ayaa is aruursaday kana dhiidhiyay khaladaadka aan loo dulqaadin karin ee ay ku kaceen maaulkii hore waxay golaha badbaadinta ama mideynta jaaliyada yeesheen kulan degdeg ah oo jawaab looga bixinayo dib isu doorashadaas sharci darada ah waxayna shir balaadhan isu yimadeen habeenkii khamiista 9/11/11, shirkaas oo ay jaaliyadu ka soo saartay go’aamo muhiim ah

Go’aamadii la isku raacay ee ka soo baxay shirka hoos ka akhriso:-
1) Waxaa la isku raacay in la mideeyo jaaliyada lana sii wado wada hadalkii iyo isu soo dhaweynta jaaliyada si loo helo jaaliyad mideysan
2) Waxaa la isla gartay Magacaabis gudi doorasho oo ka kooban 11 xubnood oo isku dhaf ah oo ka soo jeeda dhamaan 11-ka gobol ee degaanka ddsi gudigaas oo diyaarinaya doorashada iyo mideynta jaaliyada. Gudigan ayaa toos ula shaqayn doona safaarada ethiopia uk iyo xafiiska qurba joogta DDSI. 
3) Waxaa si cod buuxa loo dhaleeceeyay ama loo diiday dib isu doorashadii maamulkii hore ee jaaliyada ee uu waqtigoodu dhamaday.  dib isu doorashada ka dhacday blue ocean maalintii sabtida 4/11/17,  ayaa aheyd mid aan sharciga jaaliyada waafaqsaneyn loomana dhaneyn  
4) Waxaan taageersanahay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mohamoud Omar iyo Xisbiga Shacabka Dimuquraadiga Somalida Ethiopia (XDSHSI). Waxaa oogu baaqeynaa in dawladu ay wax ka qabato arimaha jaaliyada UK, ee cakiran.
Shirku wuxuu ku baaqay danta guud wadajir, wadashi. Waxaa doonayna wax guud  ma doonayno wax gar ah.  
5) Shirku waxa uu balan qaaday wada shaqayn iyo taageerid buuxda  safarada uk go’amadaydii  ka soo baxay ee ahaa in aan la qaban karin doorasho aysan ogayn safarada UK , loona dhaneyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam