Shir baladhan oo ka dhacay magaalada London oo ay soo qabanqaabisay jaaliyada ddsi ee UK

Filed under: Wararka caalamka |

04/12/17, Waxaa habeenkii sabtida ahaa ka dhacay west London Shir balaadhan  oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada dhabta ee dawlad degaanka somalida itoobiya UK, shirkaas ayaa waxuu ajeedadiisu ahayd taageerida gudoomiyaha haweenka Marwo safiyo cismaan iyo dhisida ama magacaabida gudiga qabanqaabada doorashada jaaliyada ddsi ee uk oo uu maamulkii hore ee jaaliyadu uu waqtigoodu dhamaaday 23/05/17 ilaa iyo hadan aysan jirin wax doorasho ah oo ay jaaliyadu wada gashay. shirkaas ayaa waxaa si buuxda loogu taageeray gudoomiyaha haweenka Marwo: Safiyo cismaan oo hada socdaal shaqo oogu maqan wadankii safarkaa ayaa waxuu la xidhidhaa wareejinta lacagtii tabarucaada ee ay oogu tabaruceen qurbo joogta wadanka UK walaalahooda ka soo baro kacay degaanka Oromada dadkaa barakacayasha ayaa maalkoodii iyo hantidoodii ay maalin cad ka soo carareen ka dib markii ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen dadka somalida ah maleeshiyooyinka oromada oo aan u kala aabo yeeleynin dilayana cidkasta oo ay u gartaan somali.

shirkaa ayaa waxaa lagu dhisay gudi qabanqaabo oo ka kooban gobol kasta 3 ruux oo ay 2 rag yihiin 1-na ay haween tahay gudigaas ayaa waxay shaqadoodu tahay in ay soo abaabulaan ama soo diyaariyaan 9-kii gudiga fulinta ee ooga qeyb gali lahaa maamulka doorashada jaaliyada gobol kastana isaga ayaa u madax banaan in ay soo xushaan dadkii ooga qeyb gali lahaa gudiga fulinta ee jaaliyada ddsi. waxaa la isla gartay in gudiga qabanqaabada ay yeshaan gudoomiye iyo 2 gudoomiye ku xigeen oo iyaga loo gudbiyo liiska 9-ka xubnood ee gobol kasta waxaanan rajeyeynaa in ay hawshan ku dhamaato mudo gaaban. sida aad lawada socotiin jaaliyada ddsi ee uk malahan wax gudoomiye ah maadaama uu gudoomiyihii hore waqtigiisu dhamaaday aanan walina la qabanin doorsho loo wada dhan yahay xiligan hada lagu jiro jaaliyada ddsi waxaa arimaheeda laga soo xidhiidhi karaa jaaliyada dhabta ee ay dadku u badan yihiin ee markasta ku hawlan sidii loo mideyn lahaa jaaliyada loona dhisi lahaa jaaliyad loowada dhan yahay.

wixii faahfaahin ee dheeraad ah la soo xidhiidha gudiga qabanqaabada doorashada jaaliyada ddsi ee uk.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam