xafladii qawmiydaha ethiopia oo ay ka qeyb gashay golaha mideynta jaaliyada ddsi uk

Filed under: Wararka caalamka |

 

10/12/17, Xaflad baladhan oo loogu dabaal degayo maalinta qawmiyadaha federaalka  itoobiya ayaa ka dhacday magaalada London xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay golaha mideynta jaaliyada ddsi ee uk oo halkaa wacdaro ka muujiyay. waxaa xafladaas furay oo hadal qiimo badan ka jeediyay safiirka safaarada federaalka itoobiya oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay itoobiya soo martay iyo hada horumarka iyo wadajirka ay itoobiya ku talaabsatay waxaa halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee qawmiyadaha kooxdii maamulkoodu dhamaaday ayaa buuq iyo dagaal ka dhigay xaflada waana 4-tii ruux ee markasta dagaalka ka dhigi jirtay meel kasta oo la iskugu yimaado ayaa dagaal iyo buuq ka dhigtay xafladii waana laga saaray hoolkii xaflada iyaga oo garbaha la hayo gudoomiyihii hore iyo kooxdiisii waayo nimankii security ayaa arkayay ruuxa ka danbeeyay qaska iyo dhibaatada ka dhacday xalay meesha. waxaan ogeysiineynaa dhamaan jaaliyada ddsi ee uk in ay la soo xidhiidhaan gudiga qabanqaabada doorashada jaaliyada si aynu u wada dhisano jaaliyad loo wada dhan yahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 

 

 

 

 

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam