Jaaliyada ddsi ee qurbo joogta UK oo qabatay baroordiiq loogu baroordiiqado shacabkii lagu xasuuqay degaanka oromia

Filed under: Wararka caalamka |

28/12/17, Jaaliyada ddsi ee qurbo joogta UK oo qabatay baroordiiq loogu baroordiiqado dadkii lagu xasuuqay degaanka oromia jaaliyada ayaa si wadajir ah ooga tacsidiyaysay dadkii lagu laayay balbaleyti , Awade iyo goobaha kale ee lagu laayay shacabka ddsi ee ku noolaa degaanka oromia dadkan ayaa waxay ku noolaayeen ama degenaayeen in ka badan 200 oo sano. jaaliyada ayaa si wada jir ah u canbaareeyay danbiilayaashii geystay dilka iyo xasuuqa dad shacab ah oo aan waxba galabsan loona dilay si arxan daro ah meydkoodiina loo qoday godad waaweyn oo sidii qashinkii lagu riday. waxay jaaliyadu u dirtay baaq dawlada federaalka itoobiya in ay hor keento maxkamad gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay iyo in dib u dajin loo sameeyo dadkii ka soo barackacay degaanka Oromia. jaaliyada ddsi ee qurbo joogta uk ayaa waxay ku baaqday in laga dhaliyo labada degaan nabad waarta waayo labada qawmiyadood ee oromo iyo somali waa qawmiyado walaalo ah oo wadaaga dhaqan iyo diin isla markaasna aan si ukala maarmi karin. waxay markasta jaaliyada ddsi ee uk ee qurbaha ay garab taagan tahay dawaladeeda iyo shacabkeeda.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam