Baarlamaanka itoobiya ayaa u codeeyay in la qaado xukunka degdega ah ee wadanka lagu soo rogay feberaayo

Filed under: Wararka caalamka |

6/06/18 Barlamaanka wdanka itoobiya ayaa codbuuxa ku ansixiyay in la qaado xukunka degdega ah ee wadanka lagu soo rogay bishii feberaayo 2018 ka dib markii uu is casilay ra’iisul wasaarihii hore ee itoobiya Mr: Haillemariam deseglyn , xukunkaa deg dega ah oo la rabay in dhamaado mudo 6 bilood ah ayaa laga soo hormariyay markii ay xaaladii amaanka ay hagaagtay.

ra’uusul waaaraha cusub Mr: Abiy ahmed  oo ahaan jiray general ciidanka wadank ak tirsanaa ayaa wuxuu socdaal ku maray dhamaan degaanada itoobiya wuxuuna balan qaday in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ay shacabku sheeganayaan uuna xoogin doono xuguuqda bini’aadamka iyo midka siyaasadeedba, ra’iisul wasaaraha cusub ayaa mudo gaaban wuxuu la yimid isbadak dhab ah oo soo jiitay dad badan qalbigooda wuxuu mudo wiig ah gudahood bilaabay in socdaal xog wareysi iyo indho indheyn ah ku maray dhamaan degaanada itoobiya wuxuuna socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee oogu horeeyay ku bilaabay degaanka ismaamulka somalida itoobiya.

waxaa kale oo ooda lag a qaaday kumanaan maxaabiis ahaa oo u xidhnaa siyaasad iyo danbiyo kaleba, raiisul wasaaruhu wuxuu booqashooyin ku tagay wadamada deriska ah sida Djabuti,sudan iyo kenya laakiin wali somalia ma uusan tegin,  waxaa kale oo uu boqday wadanka sacuudi arabia, markii uu booqashada ku tagay wadank Sudan wuxuu codsaday in la soo daayo maxaabiista itoobiyaanka ah ee ku xidhan wadankooda waxaana la soo daayay maxaabiis gaadheysa 850 maxbuus waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu ka codsaday dhaxal sugaya sucuudiya xiligii booqashadiisa in la sii daayo maxaabiista ku xidhan sucuudiga waxaana la soo daayay maxaabiis gaadheysa 1200 maxbuus , rasiisul wasaraha Dr: Abiy ahmed wuxuu ku dhaqaaqay isbadal dhab ah oo aysan sameynin waligood madaxdii ka horeysay waana talaabo loo qaaday xaga horumarinta wadanoolaanshaha iyo dal dhiska itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam