Wadanka itoobiya ayaa ogolaatay in ay heshiis nabadeed la yeelato Eriteria

Filed under: Wararka caalamka |

06/06/18, Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay dhaqan gelintii heshiiskii 2000 ee lagu joojiyey dagaalkii  u dhaxeeyey iyaga iyo wadanka ay jaarka yihiin ee Eritrea.  heshiiskan ayaa ka dhacay wadanka aljeria ethiopia heshiiskaas waligeed way diidaneyd in ay fuliso oo ay ka baxdo dhulka ay ka qabsatay eriteria ee ay ka mid aheyd magaalada xadka ee Badme, Go’aankan oo ahaa mid aan horey loo fileyn ayaa waxaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in ay u hogaansamayaan heshiiskaas, heshiiskan ayaa wuxuu u xukumay magaalada Badme in loo celiyo eriteria iyo dhulkii kale ee lagu murmayay.

dagaalkan waxaa ku dhintay 10naan kun oo askari oo labada dhinacba ah waxaa iyagana ku dhamaaday dad badan oo shacab ah, eriteria ayaa waxay waligeed taagneyd in aysan wada hadal la yeelan doonin itoobiya inta haysaan dhulkooda, dawlada itoobiya ayaa ku amartay in ay cidamadeeda ka soo baxaan dhulka ay ka heystaan eriteria, ra’iisul wasaaraha cusub ee itoobiya ayaa horay u sheegay in uu rabo in uu labada wadan nabad ka dhexdhaliyo,  dawlada itoobiya ayaa sheegtay in ay rabaan in ay eriteria aqbasho nabada aya itoobiya ku dhawaaqday isla markaasna la soo celiyo heshiikii walaalnimo ee hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam