Weerar isugu jira toogasho iyo qarax banbaanooyin oo ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux wadanka Nigeria

Filed under: Wararka caalamka |

nigeria03/03/14, cialis usa and Boko Haram ayaa waxaa toogteen dileena in ka badan 39 ruux tuulda ku taala waqooyi bari ee Nigeria kooxdan weerarka geysatay ayaa waxaa dhamaan burburiyeen tuuladaas oo 50 km u jirta magaalada Maiduguri. saacado ka dib markii laba baabuur oo banbaanooyin laga soo buuxiyay lagu qarxiyay Maiduguri oo ay ku dhinteen 50 ruux oo shacab ah boko haram ayaa waxay dagaal argagixiso ay ka wadeen wadanka Nigeria mudo AFAR sano ah.

weerarka iyo qaraxa ka dib ayaa meydad fara badan waxay yaaleen masaajidada oo ay sugayaan in la’aaso guryihii magaalada Mainok  wali dab ayaa ka kacaya.

mid ka mid ah dadkii arkayay markii ay kooxdamn weerarka geysteen ayaa waxuu sheegay in markii hore ay bilaabeen in ay dadka toogtaan ka dib waxay dab qbadsiiyeen dhamaan guryigii tuulada. ” waxuu yidhi u maleyn mahayo in wali guri taagan uu jiro tuuladan waxayna dileen in ka badan 39 ruux”.

 

kooxdan weerarka soo qaaday ayaa waxay ku hubesnaayeen AK47, RPGs waxayna tooganayeen cid kasta oo ka soo horbaxda oo ay ku jiraan haween iyo ciyaal markii hore laba banbaano ayaa lagu qarxiyay meel aad ay dadku ooga buuxeen magaaladan oo ay marar hore oo ay kooxdan weerareen banbaanooyinka ayaa waxaa lagu soo dhex qariyay baabuur xamuul ah oo waday alwaaxyo markii ay dadkii isku dayeen in dadkii dhaawaca ahaa caawiyaan ayaa qaraxii labaad dhacay halkaas oo ay dad kale ku dhinteen.

Madaxweynaha wadanka Nigeria Mr.Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah in uu wadanku galo si looga hortago kooxda argagixisada ah kuwa ka soo horjeeda madaxweynaha ayaa ku eedeeyay in aysan waxba ka badaleynin xaalada deg dega ah ee wadanka lagu soo rogay ma jirto maalin ay san qarax ka dhicin wadanka Nigeria.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam