Xafladii jaamacada qoraxay oo xalay si heer sare ah ooga dhacday huteelka daimon west ealing

Filed under: Wararka caalamka |

rsz_dsc_106821/03/14, buy viagra seek online Waxaa xalay xaflad heer sare ah oo dhaqaale aruurin ah loo qabtay jaamacada qoraxay xafladaas oo ka dhacday huteelka daimon ee  ku yaala west ealing. xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan oo ka soo jeeda dawlad degaanka somalida ethiopia. xafladaas ayaa sida caadada aheyd ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka waxaana quraanka akhriyay sheikh ibraahim.

waxaa xaflada xidhiidhiyaheeda ahaa Mr.Ahmed miraad cabdille dadkii ka hadlay xaflada waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha jaaliyada Dr.Nuur hussein oo ka hadlay muhimada waxbarashada iyo in la iska kaashado sidii loo hirgalin lahaa jaamicada qoraxay Dr.Nuur waxuu xusay in jaamicada laga dhisayo aysan kaliya anfaceynin gobolka qoraxay balse ay anfici doonto dhamaan 9-ka gobol ee DDSI .

waxaa isagana xafalada ka hadlay gudoomiye Cali cabdi takhal oo isagana ka hadlay baahida guud ee waxbarasho ee ka jirta degaanka iyo in ay jirto baahi weyn oo loo qabo waxbarasho heer jaamicadeed ah in laga hirgaliyo gobolka qoraxay si ay u haqab tirto baahida waxbarashada sare. waxaa isagana ka hadlay xafladaas Eng:Ahmed mukhtar (eegga) oo ka hadlay in jaamicada qoraxay ay ku timid rabitaanka iyo codsiga shacabka gobolka qoraxay ka dib markii ay booqashada ku tageen magaalada qabridahare waxaa kale oo uu sheegay Ahmed in hirgalinta jaamicada ay iska kaashanayaan ganacsatada degaanka somalida Itoobiya qurbo joogta iyo dawlad degaanka somalida Itoobiya.

waxaa isagana halkaa ka hadlay khadar oo aad oogu dhiirigaliyay qurbo joogta iyo jawaalidaha ka hawl gala DDSI in ay jeebka gacanta galiyaan oo ay si hagar la’aan ah ooga qeyb qataan dhaqaalaha loo aruurinayo jaamacada qoraxay waxaa kale oo halkaa ka hadlay dad kale oo fara badan oo aanaan halkan ku soo koobi karin dhamaantoodna waxay ka hadleen muhimada ay waxbarashada sare ay leedahay.

xafladan ayaa waxay ku bilaabatay kuna dhamaatay si heer sare ah

Hoos ka daawo sawiradii xaflada jaamacada qoraxay

rsz_dsc_1026

 

rsz_dsc_1061

rsz_dsc_1042

rsz_dsc_1048

rsz_dsc_1053

rsz_dsc_1064

rsz_dsc_1049

rsz_dsc_1091

rsz_dsc_1097

rsz_dsc_1087

rsz_dsc_1089

rsz_dsc_1093

rsz_dsc_1093

rsz_dsc_1093

rsz_dsc_1093

One Response to Xafladii jaamacada qoraxay oo xalay si heer sare ah ooga dhacday huteelka daimon west ealing

  1. waad mahadsantihiin dadka soo qanqaabiyey xaflada qorahay univerisity.
    waa dadkii asalka ahaa ddsi waan ku kalsoonahay in ay gaadhi doonaan himilaladooda waxay raad ku reebidoonaan gobolka qoraxay gaaar ahaan dagmada qabridaharre.

    magan
    March 22, 2014 at 11:37 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam