Nin dhuuso ku waayay jaceylkiisii

Filed under: Ila-Qosol |

lought24/01/14, sildenafil cure Qisadan waxay ka dhacday magaalada Hargeysa ee waqooyiga somalia sanadkii 1980kii nin dhalinyaro ah ayaa jeclaa gabadh ay isku da’a ahaayeen gabadha iyo wiilku waxay dhigan jireen dugsiga sare oo ku yaala magaalada hargeysa jaceylkooduna waxuu gaadhay heer ay ku heshiiyeen in ay is guursdaan mustaqbalka. maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiilkii waxuu u soo dhaadhacay suuqa waxuuna arkay gabadhii uu jeclaa iyo hooyadeed oo baabuur weyn oo siisow ah hoos taagan markii uu wareystay ayaa gabadhii uu jeclaa waxay u sheegtay in ay hooyadeed sagootinayso oo xamar u dhoofaysay ¬†gabadhii ayaa wiilkii waxay ku tidhi kaartoonkan weyn ayaan qaadi la’nahay ee baabuurka noo saar willkii oo isbiday xoog isna tiilaya ayaa yidhi anigaa qaadi laakiin waxuusan ogeyn culayska kaartoonka wiilkii ayaa intuu laba gacmood kaartoonkii hoosta ka galiyay is yidhi dhufo markii uu dhuftay ayaa waxaa ka baxsatay dhuuso ay maqlayeen gabadhii iyo hooyadeed willkii oo aad u xishooday ayaa intuu gabadhii iyo hooyadeed fiiriyay kaartoonkii dhulka ku celiyay ka dibna cararay halkaana ay isku waayeen jaceylkiisii wiilkii iskuulkii xaataa wuu ka cararay.

Qisadan waa qiso run ah oo ku dhacday nin aan saaxiibnahay waxuuna ku waayay jaceylkiisii dhuusadii ka baxsatay.

Fadlan hadii aad heyso qiso qosol leh noo soo dira si aan qosolka idiinla qeybsano

waad mahadsantihiin

ogadennews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam