Xaflad balaadhan oo dhaqaale loogu aruurinayo jaamacada Qoraxay oo ka dhacday Birmingham

Filed under: Wararka caalamka |

27/04/14, cialis usa cialis Waxaa xalay ka dhacday magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee wadanka ingiriiska xaflad balaadhan oo loo qabtay jaamacada qoraxay xafladaas oo dhaqaale loogu aruurinayay.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ka tirsan jaaliyada ddsi ee Birmingham waxaa iyagana ka soo qeyb galay xafladaan jaaliyada qoraxay ee London .

xafaladan waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada west midlands ee birmingham oo si heer sare ah u soo abaabulay xafalada loo qabtay jaamacada qoraxay. waxaa xaflada furay gudoomiyaha jaaliyada west middlands Mr.Bashiir oo u mahadnaqay dhamaan dadkii ka soo qeyb galay xaflada jaamacada qoraxay xafladaas ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka maadama aan nahay dad muslim ah waxaana quraanka akhriyay sheikh hussein dadkii xaflada ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sheikh hussein oo aad ooga hadalay qiimaha waxbarashada iyo xaalada guud ee uu degaanka somlida ethiopia uu hada ku sugan yahay iyo in uu hrumar iyo nabada buuxda ay ka jirto degaanka somalida ethiopia loona baahan yahay in aan dhamaanteen aan ka qeyb qaado nabada iyo horumarka ka jaan qaaday DDSI.

waxaa kale oo xafalada ka hadlay guddomiyaha guud ee jaamacada qoraxay Cali cabdi takhal oo ka hadlay sida ay jaamacada ku bilaabatay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo baahida loo qabo wax barasho heer jaamicadeed.

cali waxuu sheegay in ay jaamacada qoraxay ay ku timid rabitaanka iyo codsiga shacabka gobolka qaraxay loona baahan yahay in aynu dhamaanteen aynu ka qeybqaadano hirgalinta jaamicada qoraxay.

waxaa isaga xafladaas ka hadlay Mr.Ahmed miraad cabdille oo ka mid ah maamulka sare ee jaamacada qoraxay Miraad waxuu ka hadlay muhiimada waxbarashada hadaladiisii waxaa ka mid ahaa “qofka aan waxbaranin wax uu duunyada dhaamo ma jirto” ahmed waxuu ka codsaday in ruux kasta oo u dhashay DDSI uu ka qeyb qaato dhimaha jaamacada qoraxay.

waxaa isaga xafladaas ka hadlay Eng:Ahmed mukhtar sheikh(eegga) ¬†oo ka mid ah maamulka sare ee jaamacada qoraxay Ahmed waxuu ¬†sheegay in ka mid ahaa waftigii booqday dawlad degaanka somalida ethiopia sanadkii 2012 Ahmed waxuu sheegay in wadanka ay oogu danbeysay wadanka isaga oo 6 sano jira uuna aad oogu farxay booqashadii uu ku tagay wadanka booqashaasn ay ku abuurtay jaceyl uuna sheegay in uu go’aan saday in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu uqabto waxii uu qaban karo ahmed waxuu isagana ka hadlay sidii ay ku timid jaamacada qoraxay iyo in ay qaadi waayeen codsigii shacabka qoraxay ee ahaa in loo dhiso jaamacad baahi weyna ay ka jirto waxbarashada heerka ee jaamacadeed.

waxaa kale oo xafladaas ka hadlay Qamareyn sheikh oo iyadan aad ooga hadashay horumarka nabad galyada iyo baahida waxbarsho ee ka jirta gobolka qoraxay ayna rajeynayso in waqti kasta ha qaadatee la dhisi doono jaamacada qoraxay. waxaa kale oo ka hadlay xafladaas Nasiin hassan oo iyadana ka hadashay muhiimada waxbarashada iyo in la taageero hirgalinta jaamacada qoraxay. xaflada waxaa kale oo ka soo qeyb galay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen 1)Mahad prince 2)Cabdirisaaq gaadaco 3) safiyo cabdi gorad 4)Cabdikariim lasaanyo 5)Sucaad ismaciil xaga Madia ama warbaahinta waxaa goob joog ka ahaa xafladan 1)Somalimedia 2)Somalisat 3)Universal-TV.

Xafladaan jaamacada ee ka dhacday hoolka Hilaac Birmingham ayaa waxaa loo soo abaabulay si heer sare ah waxaana ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jira rag iyo haween xadladaas oo warbixintii iyo iwareysgii ka dib lagu soo bandhigay ciyaaraha uu gobolkeenu caanka ku yahay ee Dhaantada waxaa kale xafladaas heeso macaan ka qaaday fanaaniinta caanka ah ee ay ka mid yihiin Mr.Mahad prince Mr.Cabdirisaaq gaadaco iyo safiyo cabdi gorad xafladan iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ayaa waxay socdeen ilaa iyo 2:00 am xafladaas ayaa waxay ku dhamaatay si heer sare ah oo jawi wanaagsan.

Hoos ka daawo xafladii iyo sawiradii xaflada.

 

 
 

Halkan ka daawo sawirada
rsz_dsc_1244

rsz_dsc_1251 (1)

rsz_dsc_1279

rsz_dsc_1265

result (2)

result (1)

DSC_1413

DSC_1415

DSC_1416

result

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Protected by WP Anti Spam