Khiyaamadii ethiopia iyo bohoshii loo qoday uwslf oo ay ku dhaceen

29/7/10 maalintii khamiista waxaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday dawlada ethiopia iyo jabhada UWSLF heshiiskaas oo in mudo ah la sugayay lana soo abaabulayay mudo dheer dhawr goorna la baajiyay.

heshiiskaas oo ay goobjoog ka ahaayeen wufuuf ka kala socotay dawlada federaalka ethiopia iyo jabhada waxaa kale oo goobjoog ka ahaa safaarado kala duwan oo ay ka mid aheyd safaarada sudan iyo ururka midowga afrika iyo midowga yurub iyo safaarado kale oo kala duwan iyo jaaliyadaha dibadeed ee somali-galbeed iyo saxaafado kala duwan.

heshiiskaa ay ethiopia iyo uwslf ay kala saxiixdeen ayaa qodabadii oogu weynaa waxaa ka mid ahaa in la sii daayo maxaabiista uwslf dhamaantood iyo in ay dadkooda dhinac ka raacaan ururka wslf wax`lagama siinin in ay madax ku yeeshaan dawlada federaal iyo mida kililka toona loomana aqoonsan in ay ahaadaan urur siyaasi ah oo ka hawl gala kililka su'aasha ay dadku isweydiinayaan ayaa waxay tahay maxay ka faaiideen ururka uwslf heshiiskan.

dadka siyaasiyiinta ee indha indheeya siyaasada geeska afrika ayaa waxay ku tilmaameen in heshiiskan uusan dhalin wax midho ah oo faaiido oogu jirto ururka uwslf iyo tan shacabka somali-galbeed waayo waxyaabihii ay rabeen ururka uwslf in lagu daro heshiiska lagama yeelin waxyaabihii ay rabeena waxaa ka mid ahaa in ururka loo aqoonsado urur siyaasi ah oo la tartama kan ka taliya kililka iyo in madax loogu daro baarlamaanka federaalka iyo in xafiis siyaasi ah laga siiyo adisababa iyo in loo ogolaado dhagaale u gooni ah.

kaliya waxay ethiopia ka yeeshay in ay u siidayso maxaabiista ururka uwslf oo tiradooda lagu qiyaaso in ka yar 50 maxbuus. waxaa halkaas ka cad in ay ethiopia ku guuleysatay ololahii khiyaamada ku salaysnaa ururka uwslf bohoshii loo qoday way ku dhaceen.

waxayna ethiopia ku tidhi kooxda ururka uwslf hadalkii caanka ahaa ee allaha u naxariistee jaalle Mohamed siyaad bare (dadkaaga dhinac ka raac war yaadan dhumine dhinac ka raac) jaaliyadaha somali-galbeed ee dibadaha ku nool ayaa waxay ka rajeynayeen in heshiiskan uu ka soo bixi doono heshiis taariikhi ah oo midho dhal ah laakiin taasi madhicin oo ethiopia waxay mar kale cadeysay in aysan waxba u ogolayn shacabka somali-galbeed.

su'aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay ururka uwslf ma waxay halgankii qadiyadii somali-galbeed ay ku iibsadeen dhawr maxaabiis ah in loo sii daayo.

dadka aqoonta u leh arimaha siyaasada ee geeska afrika ayaa sheegay in ururka uwslf uusan marka horeba aheyn urur awood ciidan leh oo ku khasbi kara in ethiopia ay lagasho heshiis quman khatar weyna kuma hayaan degenaanshaha ethiopia.

ethiopia ayaa go'aansaatay in heshiis been been ah la saxiixato cid kasta oo sheegata ururka uwslf si ay isaga sii jeediyaan dawladaha reer galbeedka oo sanadihii la soo dhaafay ethiopia u soo gudbinayay dhaliilo la xidhiidha xadgudubka xuquuqul insaanka gobolka ogaden. sida aan la socono dawladaha reer galbeedku in ay ethiopia sanad walba siiyaan malaayiin doollar.

ethiopia waxay kale oo ay rabtaa in ay jaho wareeriso aduunweynaha kuna tidhaahdo jabhadihii ka dagaalamayay gobolka ogaden heshiis ayay qaateen marka gobolkan dhib iyo dagaal midna kama jiro ee kordhiya jeega deeqda ah.

siyaasiyiin iyo aqoonyahano u dhashay gobolka somali-galbeed ayaa waxay sheegayaan in ururka uwslf uu mar hore burburay oo uu kaliya magac ahaan u jiray kooxdan wadaadada ah oo ah hadhaagii ururkii itixaad ayaa boodhka ka jafay ururkan magaciisa kuna shaqo tagay laakiin sidii ay rajeynayeen waxba ooguma hagaagin waayo ethiopia marna ma ogola in ogadenya ay nabad waarta ka dhalato.

waxay ku qaataan malaayiin doollar sanad kasta iyaga oo sheeganaya ay aragagixiso kula dagaalamaan gobolka ogadenya waxaana alacagtaa bixiya wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykan iyo United kingdom marka ethiopia marna ma rabto in ay lacagtaa faraha badan ee kabeysa dhaqaalaheeda ay ka istaagto 100,000 ee askari ee ogadenya shacabka ku laayana ay shaqadooda heystaan.

kooxda uu hogaaminayo sheikh ibrahim dheere waxay joogeen wadamada carabta oo ay dhaqaale ooga heli jireen in ay yihiin madaxda ururkii Itixaad. mareykanka ayaa dhamaan daladihii carabaha ahaa ku qasbay in soo qoraan ururada iyo jabhada ay lacag siiyaan taasi ayaa waxay kaliftay in ay dawladihii carabaha sida Sacuudiga ahaa lacagtii ka joojiyaan madaxda ururka itixaad waxaana lagu amray in wadanka ka baxaan ama loo dhiibo mareykanka

taasi ayaa waxay kooxdan shirar badan oo ay carabaha iyo south africa ku yesheen ayaa waxay isla garteen in qaataan magacan uwslf ee beylahda ah kuna shaqo tagaan ethiopiyana heshiis ka dalbadaan ethiopia oo ay reer galbeed bareeshar dheeraad ah saartay ethiopia oo la'ayd meel ay wax ka qabato ayaa kooxdan markii ay la soo xidhiidheen tidhi soo dhawaada wax kasta waan idiin ogolahay isla markiiba kooxdan ayaa sidii shini malab ku yaaceysa ethiopia ku yaacday.

markii heshiiskii la guda galay ethiopia waxyaabihii ay balan qaaday waxyaabo ka duwan ayay la timid waayo heishiiska marka horeba daacad kama aysan aheyn ee dano gaar ah ayay ka lahaayeen oo ah in ay u been guuraan wadamada reer galbeedka oo bareeshar saaray kooxdan ibarahim dheere meel ay ka noqdaan ayay waayeen waayo mar haday adisababa joogaan gacanta ayaa lagu hayaa waa (no way out) marka way saxiixeen wax kasta oo ethiopia u cuntamayay halkaana waxaa ku dhamaaday halgankii 60 sano ee ay qadiyada soamli-galbeed xabada u wadeen .


a)xagee loo raaci mujaahadiintii dhulka u dhintay
b)xagee loo raaci naftood hurayaashii ciidanka xooga dalka somaliya ee naftooda ku waayay 1977-1978(ogaden war)
c)xagee loo raaci caruurtii ku aqoontay qadiyadan xagee loo raaci haweenkii asayda ku qaaday qadiyadan.

heshiiskan wax dan ah haba yaraatee ooguma jirtoshacabka somali-galbeed waxaa heshiskan ka faaiideysanaya dawlada ethiopia oo caalamka heshiis been ah ka dhaadhicineysa

1) waxaa xaqiiq ah in ay ethiopia wali sii wadi doonto dilka dhaca kufsiga iyo xabsiga sharci darada ah
2)waxaa xaqiiq ah in ethiopia siyaasadeeda ku saleysan gumaadka shacabka ogadenya in aysan waxba ka badaleynin
3)waxaa xaqiiq ah in ay ethiopia aysan waxba ka badaleynin cunaqabateynta kala dirirka dhaqaalaha, waxbarasha, caafimaadka ay ku heysao shacabka somali-galbeed
4)waxaa xaqiiq ah in aysan ethiopia rabin in ay nabad ka dhalato gobolka ogadenya 5)waxaa xaqiiq ah in aysan ethiopia la simeynin shacabka ogadenya shacabka kale ee ethiopia oo ay rabto in uu gobolkeenu ahaado fawdo lagu maamulo amarka militariga(military zone)(war zone for 60 years)

dhamaan 5 taa qodob iyo kuwa kale oo fara badan ethiopia waxba kama badaleyso taariikhda ayaana qori doonta marka kooxda uwslf ma waxaa la dhihi karaa heshiis ayay galeen mise way isdhiibeen akhristoow adiga ayaan kuu daayay in aad jawaabta hesho.

sida aad la wada socotiin waxaa jira koox kale oo ay ethiopia ay wada hadalo us socdaan waa kooxda saalaxdiin macoow ee ONLF-goloha sare oo ay qaar sheeganaya onlf golaha sare ay tageen ethiopia iyagana in ay la maagan tahay sidii ay u khiyaantay uwslf ninkii walaalkii la gawracayoow adiguna soo qoyso.

ethiopia waxay go'aansatay in filin comeday(qosol qosol) ah ay aduunayada u dhigto si ay u hagaajiso xidheedhkeeda dibada una aamusiiso dawladaha reer galbeed ee bareesharka saarayay ethiopia sanadihii la soo dhaafay si ay wali u sii hesho malaayiinka doollar ee deeqda ah ee la siiyo ethiopia si ay oogu iibsato hub ay ku cabudhiso shacabka ogadenya ciidamadeena mushaar oogu qaataan dilka dhaca iyo kufsiga.

waxaa muuqata in ethiopia ay ku guulaysatay barnaamijkeedii ku salaysnaa khiyaamada ee ahaa qeybi oo xukun.

jabhadaha sheeganaya in ay wadanka ka dagaalmaan sida ONLF garabka mahamed omar iyo saalaxdiin macoow onlf-golaha sare dhibaatada iyo dilka ay ku hayaan iyo mida ethiopia ay ku heyso waa isku mid dadka qaarkiina waxay aaminsanyihiin in kooxda onlf iyo ethiopiyanku ay xidhiidh leeyihiin sidii loo leyn lahaa shacabka loona baro kicin lahaa wayna isla shaqeeyaan

ilaa laga helo hogaamiye iyo dad daacad ka ah halganka ogadenya qadiyadeenu wax rajo ah malahan maalin ayaa dhici doonta in lala xisaabtamo kuwa shacabka u laynaya sida naxariis la'aanta ah waxaana imaan doona dad qadiyadan daacad u ah oo kooxdan onlf kala wareega xukunka digtaatoriga ah ee uu mohamed omar ku hesto jabhada.

kooxda uwslf baal madoow ayaa taariikhda looga qorayaa halgankii ay ku iibsadeen dhawr maxaabiis ah oo loo sii daayo.

ethiopiyana wali iftiinkii halgan ma uusan damin ama filin komedy ah aduunyada u dhig ama heshiis been ah saxiix koobadan aad aduunyada kaga dawarsato argagixiso ayaan ogaden kula dagaalamaa way soo dhamaan.

Qore: Eng:sukaare faaf