WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Weerar ka dhacay degmada Xuddur

28/6/08, Weerarka saaka ka dhacay Xuddu ayaa waxa uu ahaa mid kedis ah Weerarkan oo dhacay saaka ayey ciidamada ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya iyo siyaasadda dowladda KMG ah waxay ku bartilaameedsadeen masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen duqii magaalada iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii, kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka magaalada.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in guddoomiyihii gobolkuna uu lug uga baxsaday gurigiisii kaddib markii uu ka war helay weerarka, hase yeeshee ciidamadii weerarka ku qaaday degmada ay kala hareen baabuurtiisii.

Waxaa kaloo la sheegayaa in ciidamadaasi weerarka ku qaaday degmada Xuddur ay magaalada ka qaateen baabuur ka hor intii aanay magaalada isaga bixin.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar