WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaal ka dhacay Beledweyne

27/12/09, Magaalada Beledweyne Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 11 kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxa uu dhexmaray xoogag kala taageersan ururka Xisbul Islaam oo magaalada gacanta ku haya iyo dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya.

Ciidadamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyagu sheegay inay magaalada soo weerareen.

Wararka gobolkaasi ka imanaya waxay sheegayaan in galabta labada dhinac mar kale dagaal isaga hor yimaadeen duleedka magaalada Beledweyne.

Lama garanayo khasaaraha dagaalkaas galabta dhacay iyo sida xaaladdu haatan tahay midnaba

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar