dastuurka cusub ee Kenya oo lagu guuleystay ama haa shacabku dhaheen

5/8/9, Golaha Wasiirada Kenya oo u dabaaldagaya natiijada aftida dastuurka cusub Taageerayaasha dastuurka cusub ayaa ku dhawaaqay inay ku guulaysteen aftidii shalay loo qaaday dastuurka cusub ee Kenya, iyadoo codadka intoodii badan la tiriyay. Kooxda ka soo horjeeda ayaa iyaguna sheegay in laga guulaystay.

Kiraitu Murungi oo ka mid ah dadka aad u taageerayay dastuurka cusub ayaa ku tilmaamay natiijada, wax aad u muhiim ah oo midaysay dadka reer Kenya ayna jidka u fidaysay, heerka Dimoqraadiyada Afrika.

Dastuurka cusub ayaa yarayn doona awooda madaxweynaha, isagoo siinaya sharciyo cusub oo ay ku yeelanayaan xuquuq dadka, iyo isbadallo lagu samaymayo sida dhulka loo bixiyo.