WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


2 nin Somali ah iyo nin Eriterian oo lagu dilay Miniapolis

07/01/10, Sadex nin Soomaali ah ayaa xalay, toogasho lagu dilay, magaalada Minneapolis ee dalka, Maraykanka. Wali lama oga Cida dilkaas geysatey. Hase ahaate Booliiska magaalada Minneapolis ayaa bilaabay Baadhitaan ay ku samaynayaan arrintaas.

Haddaba, Ahmed Abdi Nur ayaa khadka telefoonka kula Xidhiidhay, Wariyahayaga magaalada, Washington, Mahamed Haji Husseen oo weydiiyey sida dilaasi u dhacay.

Weriyaha, ayaa sheegay in sadexda nin aysan ku lug lahayn xaaladaha la xiriira Gangs-ka ama rabshado kale.

Waxay ahaayeen buu yiri nin dukaankiisa iibsanaya, nin la sheekaysanayay iyo qof ka mid ahaa dadka dukaanka wax ka iibsado oo markaa dhex joogay dukaanka.

Booliiska ayaan shaacin cid ay tuhunsan yihiin, balse xusay in ay baaritaan wadaan si loo soo qabto cidii dilka ka dambaysay.

Waa markii ugu horaysay ee dalka Maraykanka mar kaliya lagu dilo tiro intaa la eg oo Soomaali ah.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar