WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Puntland, the most popular question posed in the streets of Boosaaso.?

4/11/09,
Mohamed somali
Su aasha ugu badan ee ay shacabka reer Boosaasood isla dhex marayaan ayaamahan ayaa ahayd: waxyaabihii aan ka dhaxalay burburkii dowladii dhexe ma sidaan baa inoo danbaysat in Puntland uu ka taliyo askari Ethopian ah oo uu ka amar qaato madaxwayne ku sheeg Faroole, oo uu shacabkii soomaaliyeedna yiraahdo qaarna uma dhalan soomaali, qaarna uu ku sheego areebooyin (wasakh badan).

isagoo isla markaana amaanaya una tahniyadeenaya qaxooti Ethopian ah oo ka shaqeesta Dekeda Boosaaso, isagoo ku amaanaya siduu uga qayb qaatay dab damiskii ka dhacay Dekeda Boosaaso xili markaa ay soomali wayn dabka wada daminaysay, si loo bad baadiyo hantidiii umada soomaallyeed ee markaa ku xirnay dekeda.

waxaa kaloo yaab leh in Faroole uu ku sheegay dad Soomaaliyeed inaysan Soomaali ahayn, isagoo hadaladiisaa ku amaanayay Xabashi u soo shaqo doontay Dekeda oo aan waliba la aqoon shaqada dhabta ah uu ka hayo Dekeda (maybe he is Ethoian security servieces);

waxaa kaloo yaab leh in niman umada reer Boosaasood wax barayay oo Jaamacadaha iyo iskuulada sarsare wax ka dhigayay la yiraahdo waa argagaxiso iyo soomali maaha isagoo ka dhawaajiyay in xuduuda Ogadenia ay xaq tahay ayna ka tirsan tahay Ethopia saas awgeedna aysan ahayn Soomaali.

Suaalaha hadaba reer Boosaasood is waydiinayaan waxaa ka mid ah:

* sidee baa u fahmay odaygu Soomalinimada * hadii isaga iyo awlaadiisa dhalasho Australian ah ku qaateen mudo yar, miyuu garan waayay in dadka soomaaliyeed ee degan Puntland ay xaquuq Soomaaliyeed iyo mid degaan (bacdamaa ay degan yihiin PL) ku leeyihiin PL.

* sidee dowlada dhexe ugu ogolaan doontaa in Ciidamada Bada lagu taba baro PL; hadii PL aysan ahayn dhul Soomalliyeed oo Soomalidu u wada siman tahay ahayn, asagoon oranayn oday (Faroole) reerkaa Soomaali maaha, ama reerkaa waa wasakhlayaal, ama reerkaa bari bay i xireen, isagoo Soomalida ukala fadilaya si qaab daran oo qabali ah, agenda siyaasadeed oo qabali ahn uu ka danbeeyo.

* sidee raiisul wasaare cabdirashiid cali sharmaarke ugu doodi doonaa in PL lagu tababaro ciidamo Soomaaliyeed isago madaxii dowlad gobaleedku sidaa u dhaqmayo, soomaalidana aysan u sinayn agtiisa.

* sideese dareemi doonaa askariga laga soo diro gobolada koonfureed (oo uu yiri Faroole waa dad wasakh badan), askariga laga keeno gobolada dhexe ee uu yiri bari bay i xireen, ama askariga ka yimaaada jubooyinka oo uu ku handaday inuu u dhiibayo xabashi bacdamaa aysan u dhalan Soomaali.

* waxaase yaab leh in oday Faroole aqoonsan yahay xuduudihii gumaysiga qayb kamid ah (waa xuduuda xaqdarada ah ee SOM-ETH); isagoo diidan xuduuda Somaliland-Puntland).

* waxaa aad uga xumaha in Oday S;oomaaliyeed waxaa ku hadlo ama ku dhaqmo, anigoo ku hadlaya magaca reer Puntland intooda badan ee dega gobolada Bari ee soomalia (ee aan jabhadii xaq daro doonka ahayd ee SSDF ee uu Faroole iyo intii la caqliga ahaydna ka wada tirsanayaan; aan ku jirin) ee caqliga saliimka u saaxiibka ah ka tacsiyaynayaa hadaladadii dhaqan xumada huwanaa ee ku hadlay Faroole.

waxaana anigoo ka faa iidaysanaaya fursadaa u soo jeedin lahaa in Faroole

* uu raali galin ka bixiyo hadaladiisii qaldanaa ee aan loo meel dayin.
* inuu soo daayo Isimkii iyo wariyaha uu dhawaan xiray, ee uu xaq darada ku xiray, isagoo ka hadlay labo arin oo xaq ah: piracy iyo shacabka soomaaliyeed ee loo dhiibayo xabashida.
* inuu uu bilaabo diiwaan galintii shacabka, si shacabku uu doorto madaxwaynaha danbe iyadoo loo eegayn shacabka Puntland degan qabaailadooda ee loo eegayo deganaashahooda.
* hadii uu taa ku dhaqaaqi waayo, waxaan maamulka la socodsiinaynaa in aan u gudbin doono dacwad ka dhan ah si looga jaro fundingka (UNDP,EU,USA) maamulka iyo sida ay u hortaagan yihiin doorasho xaq ah oo ka dhacda dhulka Puntland ee aan ku dhisnayn odayaal dhowr ah oo jooga garoowe oo boorso loogu shubo lacagtii umada hadba markii doorasho dhacaysaba.

mahadsanidin waalalayaal.

Mohamed somali

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar