SOMALI LINKS
|
Diyaaradaha dagaalka ee gumeysiga ethiopia oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
25/12/06,
Dec 25, 2006: Saakay subaxnimaddii ayaa guuxa diyaaradaha Ciidamada itoobiya laga maqlay hawada Magaalada Muqdisho,
waxaana diyaaradahaasi ay argagax geliyeen dadweynaha ku nool magaalada.
Diyaaradahaasi ayaa markii dambe waxay gantaal ku dhifteen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarkaasi
dhaawac ka soo gaaray Haweenay kuwa nadiifiya garoonka ka mid ah, waxayna duqeyntu markii ay socotay garoonkaasi aysan
ku sugneyn wax diyaarado ah, iyadoo garoonka isugu soo
baxeen dadweyne fara badan oo ka careysnaa weerarkaasi kuna tilmaamay mid nafla caarinimo ah, waayo waxay sheegeen in
Ciidamada Itoobiya ay ku jabeen dhinaca dhulka.
“Shacabka Muqdisho horey u soo arkeen duqeyntii ciidamada Mareykanka ee sanadihii sagaashameeyadii wax guul ahna kama
aysan gaarin” ayuu yiri nin odey ah oo aad uga careysnaa weerarkaasi oo u soo jeediyey shacabka Muqdisho inay ogaadaan
in diyaarad aan waxba lagu qaadi doonin.
Hawlihii garoonka ayaa dib u bilowday, waxaana garoonka ka soo degay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxaakiimta
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir oo iyagu la sheegay in ay ka yimaadeen
dalka Imaaraadka Carabta.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|