SOMALI LINKS
|
Dowladda Ereteriya oo sheegtay in Mareykanku masuul ka yahay dagaalada ka socda somalia..
26/12/06,
Dowladda Ereteriya oo lagu tiriyo in ay gacan siiso Maxakiimta Islaamiga ah ayaa markii ugu horeysay ka
hadashay dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna dagaalkaasi ku tilmaantay mid
gardaro ah oo la doonayo in lagu burburiyo qarankii Soomaaliyed.
Dowladda Ereteriya waxay sheegtay in Dowladda Mareykanku ay ka dambeyso dhibaatada ay Itoobiya ku hayso
Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku baahi doono Geeska Afrika.
Sidoo kale dowladda Ereteriya waxay uga digtay dowladda Mareykanka in ay faraha kala baxdo arrimaha
Soomaaliya oo ay joojiso taageerada ay siineyso Itoobiya, sidoo kale Dowladda Masar ayaa iyana uga
digtay Itoobiya in ay dagaal ka sii wado Soomaaliya, isl markana ay si dhaqsi leh u joojiso ay wad hadal
la furto Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay sheegtay in ay wax badan ka qabteen Xaaladda
Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|