WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Hargeisa

29/10/08, Axmed Saciid Cige BBC Hargeisa ilaa 28 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyada magaalada Hargiesa 20 oo ay ku jiraan mas'uuliyiin iyo saddex qof oo u dhashay Ethiopia ayaa u dhintay, 31 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo waaweyn oo maanta lala beegsadey goobo kala duwan oo ku kala yaala magaalada Hargeysa.

Qaraxa Hargeisa

Magaalada Hargeysa weerarada ka dhacay waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 20 qof iyadoo 31 kalena ay ku dhaawcmeen, sida uu BBC u xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Ismaaciil Cirro.

Goobaha la weerarey ee magaalada Hargeysa waxa ka mid ah aqalka madaxtooyada, xafiis ay dowlada Ethiopia ku lahayd halkaasi oo qaabilsan xiriirka ganacsiga ee Somaliland iyo Ethiopia iyo xafiiska ururka Qaramada Midoobey ugu qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah la-taliyihii madaxweynaha ee hay'adaha caalamiga ah Xuseen Afgaab, iyo Xubin Golaha Guurtida ka tirsan

Maxamed Cismaan Libaaxo, xoghayaha xafiiska madaxtooyada ee Somaliland Daahir Cali Ciid iyo madaxii Nabadgelyada ee hey'adda UNDP xafiiska somaliland Axmed Cilmi Geelle.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Hargeisa, iyadoo ay dadku aad uga xun yihiin waxa dhacay, mas'uuliyiinta Somaliland iyo ciidamada booliiskuna ay dadka ugu baaqeen in laga shaqeeyo nabadgelyada.

Dadka ku geeriyoodey weeraradan waxaa ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan xafiiska UNDP ee magaalada Nairobi ayaa iyaguna xaqiijiyey in weerarkii lagu qaadey xaafiisyadooda magaalada Hargeysa ay dad ku waxyeeloobeen.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar