|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso
Axmed Maxamed Cali
BBC Garowe
Magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland waxaa weerarada bambaano ee maanta ka dhacey lala beegsadey laba xaruumood oo ay ka
hawlgalaan ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Puntland.
Wararka halkaasi ka imanaya ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyoodey weerarkaasi todoba kale oo u badan saraakil booliis ahna ay
ku dhaawacmeen.
Qaraxa Boosaaso
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland General Maxamud Muuse Xirsi, Cadde Muuse ayaa cambaareeyay weeeraaradaasi.
Ciidanka sirdoonka Puntland ee PIS ayaa goor dhowayd guriga uu deggan yahay kala baxay nin la yiraahdo Sh. Max'ed Ismaacil Yuusuf
oo ka tirsan culimada magaalada Bosaso, Sheekha ayaa dhaawac ka soo gaaray lugta taas oo ka dambaysay rasaas ay ciidamadu ridayeen
markii ay hawgalka fulinayeenn sida ay BBCda u sheegeen dad ay qaraabo yihiin Sh. Max'ed Ismaaciil.
Ilaa iyo hadda ma jiro faahfaahin ka soo baxday hay'adaha ammaanka iyo sababta loo qabtay ninkan oo hadda ku jira gacanta ciidamada
nabadsugidda, waxana xariggiisu ku soo beegmay iyadoo laba qarax ay maanta ka dhaceen magaalada Bosaso.
Hadda ka hor ayay ciidamada sirdoonka Puntland ay isku dayeen inay qabtaan Sh. Max'ed Ismaaciil hase ahaatee uma aanay suuragelin,
dhinaca kalana ma jiro ciidanka booliska ayaa sheegaya inay weli baaritaan ka wadaan weeraradii maanta lagu qaaday xarumaha
ciidanka PIS ee magaalada Bosaso
ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||