WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho

16/10/09, Dagaallo socday muddo kooban ayaa qaar ka tirsan xaafadaha Muqdisho ku dhexmaray ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan.

Dagaalo sababay inta la ogyahay dhimashada 2 qof oo rayid ah ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdishu Daagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa waxa uu ka dhacay qaybo kamid ah xaafadaha hoosyimaada degmada Hodan ee g/Banaadir.

Dagaalka oo socday mudo kooban ayaa waxaa bar barsocday Madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacay qaybo kamid ah xaafada Barmuudo ee degmada H/wadaag.

Dagaalka ayaa xoogiisu uu ka dhacay nawaaxiga Xaafada Taleex iyadoo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo rayid ah kuwaasi oo 4-kamid ah ay ahaayeen haween sida uu sheegay madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Duniyo Maxamed iyadoona sheegtay in xaalada caafimaad ee dadkaasi haatan ay ku dadaalayaan dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Madiina.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Barise ayaa ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda dowaladda KMG Soomaaliya in ay duqaymo ka gaysteen qaybo kamid ah magaalada muqdishu

Inkastoo ay degentahay xaalada goobihii lagu dagaalamay islamarkaana ay dib u furmeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa dhinaca kale aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar