WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Madaafiic lagu duqeeyay suuqa Bakaaraha oo dhimasho keenay

16/10/09, Madaafiic habow ah ayaa saaka ku dhacay qeybo ka tirsan suuqa weyn ee bakaaraha ee Muqdisho. Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay ilaa 3 qof, 8-kala dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Madaafiicdan ayaa ka dhashay kadib weeraro kooxaha Islaamiyiintu ay ku qaadeen xarun ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka Gurmadka ah ee Muqdisho ayaa sheegay in mid ka mid ah sadexda qof ee dhintay uu u geeriyooday dhaawac soo gaadhay, halka 2-kalena ay goobta madaafiicku ku dhaceen ay ku dhinteen.

8-qof ee dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira qaar dhaawacoodu halis yahay. Gudoomiyaha Ganacsatada Cali Maxamud Siyad (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay duqeyntaasi ciidamada AMISOM, wuxuuna ciidamaasi ka codsaday inay madaafiicda suuqa ka joojiyaan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa isagu beeniyay in madaafiicdaasi dhinacooda ka yimaadeen.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa canbaareeyey duqeyntaasi. Gudoomiye-ku-xigeenka hay'adda Elman Cali Yasin ayaa dhinacyada ugu baaqay inay dadka u turaan oo madaafiicda joojiyaan.

Ma aha markii ugu horeysay ee madaafiic khasaare geysta ay ku dhacaan suuqa Bakaaraha, bishii August ayaa suuqa Bakaaraha qeybta Dahabka waxaa ku dhintay in ka badan 15 qof oo rayid ah kadib markii ay suuqaasi ku soo dhaceen madaafiic xoog oo aan la garanayn cidda soo tuurtay.

Qeybta hoose ama midigta sare ee boggan kadhagayso warbixinta duqeynta suuqa Bakaaraha.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar