SOMALI LINKS
|
Amnesty oo baaq u jeedisay Ethiopia in ay magacawdo magacyadii
kuwii ka danbeeyay afganbiga
6/05/09,
Dadka la xiray waxay xiriir la leeyihiin duqii hore ee Addis Ababa Berhanu Nega
Hey'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay shaaciso magacyada 35 nin oo dowladdu ay
xirtay toban maalmood ka hor.
Raggaasi ayaa waxa lagu eedeeyay inay maleegayeen afganbi lagu riadyo dowladda.
Hey'adda Amnesty International ayaa sheegat in dad badan la xiray tan iyo markii la sheegay afganbigaasi - dadka la xiray waxa ku jira nin 80 jir
ah oo u baahan gargaar cafimaad ee degdeg ah.
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay dhamaan dadka la xiray inay xubno ka yihiin koox mucaarad ah oo loo yaqaan Ginbot Toddoba, oo uu sameeyay duqii
hore ee magaalada Addis Ababa, Berhanu Nega.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|