Eng:Ahmed mukhtar sheikh
isaga ayaa soo diyaariyay
boga ila qosal
|
BOGA ILA QOSAL --HAA--HAA--
HAA--HAA--HAA--HAA--
13/07/06,
1)Nin geel dhaqato ah ayaa wiilkiisii
oo dhago adag ayuu ka waayay war geela soo dabaal
markii habeenkii la gaadhay ayuu odaygii waxuu arkay diyaarad
cirka mareysa markaas ayuu wiilkiisii toosiyay oo uu tusay
diyaaradii waxuuna ku yidhi cumaroow adiguna caano geel ayaad ka dharagtay
ninkaa gaalka ahna waxa waqtigaas guurinaya waa gaajo.
2)Nin reer miyi ah ayaa soo safray isaga oo u socda in uu isa soo daaweeyo
waxuuna in mudo ah ka calaacalayay in ay caloosha
uu wax ka qabo oo ay cuntadiisu yar tahay.
waxuu soo martiyay nin kale oo reer miyi ah
ninkii ayaa ninkii kale sooryeey oo neef adhi ah u qalay markaas ayaa hilibkii iyo masagadii
oo dhan ayuu is daba mariyay.
markaas ayuu waraystay waxa uu magaalada iyo isbitaalka oogu socdo
waxuu yidhi abiteetka ayaa iga xidhan marka waxaan rabaa in abiteetka la ii soo furo ninkii martiqaadayay
ayaa waxuu ku yidhi asxaan ii samee oo soo noqodkaaga danbe ha isoo marin. isaga oo ka walwalsan
marka cuntada loo soo furo imisa neef oo geel ah ayuu dhihi doonaa ha la ii qalo.
3)Nin madaxa ayaa waxaa uu dhowr maalmood la kulmay shaqaalihiisii mid ka mid ah oo joornaal shaqada dhexdeeda ku akhrisanaya, markaas buu dhowr jeer ku yiri joornaalka dhig oo shaqadaada qabso.
Ninkii wuu dhaga nuglaan waayay oo joornaal isagoo akhrinaya ayaa markale ninkii madaxda u ahaa arkay markaasuu inta ku xanaaqay ku yiri maalin danbe joornaal halkaan ha ku akhrisan ee joornaalada gurigaasa ku akhriso.
maalintii xigtay baa ninkii madaxda ahaa wuxuu arkay ninkii oo aad shaqada uga soo daahay markaas buu ku yiri maxaa kugu dhacay oo saacadaan u socotaa markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa ku jawaabay sow shalay imaadan oran joornaalka gurigaaga ku akhriso joornaal akhris baan ku soo daahay.
From:Mohamed Abdullahi Warsame
4)Nin ayaa gabadh jeclaa Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo suuqa maraya ayaa waxuu arkay
gabadhii oo hooyadeed alaab kula raraysa baabuur markii uu salaamay ayaa gabadhii waxay ku tidhi
baakadan culus ayaan qaadi kari waynay ee baabuurka saar markaas ayaa ninkii oo is bidaya in uu
yahay nin xoog badan ayaa intuu foorsaday ayuu is yidhi baakada la bood waxaana ku jirtay alaab
culus markii uu hinjiyay ayaa ninkii waxaa ka fakatay dhuuso waxaana kortaagan gabadhii iyo
hooyadeed markaas isaga oo aad u yaxyaxsan ayuu intuu baakadii dhulka ku celiyay hortiisa u dhaqaaqay magaaladiina ka haajiray.jaceylkii ay dhuusadu ka dirtay.
5)WADDO HALAQ-MAREEN
cigaal shiidaad ayaa seexday geed hoostii oo khuuradiisii bilaabay markaas ayay sumxaanyo
socotaa soo martay sankiisa iyo faruuryahiisa dhaxdooda.
Wuxuuna indhaha kala qaaday iyadoo dabadii sumxaanyadii ay kasii gudbeyso sanka iyo faruuryaha dhaxdooda markuu arkey iyadoo sii qulquleysa ayuu oohin bilaabay.
Nin meesha marayay ayaa oohintiisa maqlay markaasuu waydiiyay “war maxaa kugu dhacay ? ” Cigaal wuxuu ku jawaabay “Subxaanyadaa sii socotaa sankeyga iyo afkeyga ayay kala dhaxmartay”
Ninkii wuxuu yiri isagoo yaaban “Sumxaanyo wax ma qaniintee maxaad la ooyi” Cigaal wuxuu ku jawaabay “waan ogahay in subxaanyo aysan waxba qaniine waxaan ka baqayaa in Sankeyga iyo afkeyga laba dhaxdooda ay wado halaqmareen noqoto”
FADLAN HADII AAD HAYSO MAJAAJILO AMA SHEEKO LAGU QOSLO NOOGU SOO DIR
EMAILKA HOOS KU QORAN SI QOSALKA LAGUULA QEYBSADO WAAD MAHADSANTIHIIN.
Source: Eng:Ahmed mukhtar sheikh
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
|