SOMALI LINKS
|
Kooxaha Islaamiga oo qabsaday Kismaayo
23/8/08,
Mogadishu
Maliishiyada Islaamiga
Wararka ka imanaya Somalia ayaa sheegaya Kooxaha Islaamiyiinta ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada dekeda leh ee Kismaayo, kadib dagaal culus oo muddo saddex maalmood ah ay kula galeen maliishiyo beeleed halkaasi horey gacanta ugu hayay.
Dagaalka Kismaayo
Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa BBC u sheegay in dagaalyahaniinta islaamiga la arkayay iyaga oo roondo ku sameynaya wadooyinka dhexmara magaalada.
Xabado Goos goos ah ayaa la maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada.
Inka badan 70 qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo ahaa kii xumaa ee muddo dhawr bilood ah ka dhaca.
Barakac xoog leh, ayaa laga soo sheegayaa magaalada. Iyadoo hay'adaha xuquuqda aadanuhu ay ka dayrinayaa xaaladda bini'aadaminimo ee magaalada Kismaayo.
Madaxa hay'adda xuquuqda aadanaha ee Faanoole, Cali Cabdullaahi Cigaal, ayaa BBC-da u sheegay in dhibaato bini'aadanimo oo ba'an ay ku soo fool leedahay dadka rayidka ah ee ka qaxay dagaalka.
Magaalada Kismaayo oo markii hore ay gabin ahaan ka go'day isgaarsiinta ayay dib u soo laabatay, iyadoo weli dagaalka labada dhinac uu ka socdo magaalada dhexdeeda.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|