|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Barack Obama oo loo doortay Madaxweyne
Abdirahman Aynte
BBC Washington
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Sen. Barack Obama
"Haddii uu wali jiro qof ka shakisan in America ay tahay meel ay wax walba suurta gal ka yihiin, qofkaas oo wali is weydiinaya in
himilooyinkii aabbayaasha Mareykanku ay wali nool yihiin iyo inkale, walibana su'aal ka qaba awoodda Dimoqraadiyaddeena, caawa
ayaa jawaab kuu ah."
Guusha Obama
Hadalladaas uu xalay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Barack Xuseen Obama, u jeediyey boqollaal kun oo qof oo Mareykan ah,
iyo malaayiin ka daawaneysay shaashadaha taleefishinada, waxay soo koobayaan baaxadda guusha uu Mr. Obama soo xasiliyey,
laba sano kaddib markii uu madax-madax isugu tuuray ololaha doorashada, isagoo aan sidaas-ba looga aqoon dhulweynaha Mareykanka,
isla markaana ka aragti iyo ujeeddo duwan dadkii hore isu soo sharrixi jiray.
Farriinta udub-dhexaadka u aheyd ololaha Mr. Obama waxay aheyd "Isbeddel," kaas oo muwaadiniinta Mareykanku ay si weyn u soo
dhaweeyeen, kaddib siddeed sano oo Xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne Bush ay dalka ku hoggaamiyeen laba dagaal oo naf iyo maal-ba
lagu beelay, iyadoo waliba dhaqaalihiina uu bohol kusii dhacayo.
Dadka gorfeeya siyaasadda Mareykanka ayaa isku raacsan in jawaabtii uu Mr. Obama ka bixiyey isku dhex yaaca seyladaha dhaqaalaha,
ay shaki la'aan dhidibbada u aastay guushiisa.
Obama wuxuu xammaasad aan hore loo arag ku beeray dadka dhallinyarada ah ee Mareykanka, iyo kuwa laga tirada badan yahay, kooxahaas
oo caadi ahaan aan daneynin doorashooyinka, balse codadkooda ku kaabay guushiisa.
Doorashadiisu waxay ka dhigantaa in shacabka Mareykanku ay dhabarka u jeediyeen tubtii madaxweyne Bush iyo Xisbiga Jamhuuriga, taas
oo ku saleysneyd in Mareykanku uu awood-millatari ku muquuniyo ciddii isku hor gudubta.
Waxay kaloo ka dhigantaa in midab-takoorkii iyo kala shakigii soo-jireenka ahaa ee caddaanka iyo madowga u kala dhanbalay dalkan muddo
ka badan 200 boqol oo sano, in boogtaas-na qeyb ahaan si weyn loo dhayey.
Waxaaba taa qiray ninkii la loollamay Obama, waa musharrixii Xisga Jamhuuriga, Sen. John McCain, oo isna taleefishinka uga hambalyeey
Mr. Obama, kuna dhawaaqay inuu si niyad-sami ah ula shaqeynayo.
McCain wuxuu yiri:
"Waxaan caawa ka ballan qaaday Obama inaan kala shaqeeyo sidii uu nooga samata-bixin lahaa caqabadaha badan ee na horyaalla. Waxaan
ku dhiirri galinayaa dhammaan shacabka Mareykanka ee I taageeray, inaysan hambalyo kaliya ugu simin Mr. Obama'e, ee inay niyad
wanaagsan u muujiyaan madaxweyneheenna xiga. "
Madaxweynaha talada haya ee Mareykanka, George Bush, ayaa isna xalay taleefonka kula xiriiray madaxweynaha la doortay, isagoo u
hambalyeey, una sheegay inuu kusoo dhaweyn doono Aqalka Cad, gacanna ka siin doono sidii uu majaraha dalka ula wareegi lahaa.
Barack Obama, oo isku dubba riday olole aan baaxaddiisa iyo xajmiga dhaqaalaha uu uruuriyey aan hore loo arag, ayaa 20-ka Bisha
January loo dhaarin doonaa inuu madaxweynihii 44-aad ka noqdo dalka Mareykanka.
ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||