WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Bayaan Ku Saabsan Qiimayn Lagu Sameeyay Xisbiga ONLF Qaybtii 1aad

28/10/09, 18/02/04, Waxaan wada ogsoonahay ujeedadii loo aasaasay ururka ONLF oo ahayd inuu ururku la wareego mustaqbalka ummadda reer Ogaadeenya kana hoos bixiso halganka ummaddaasi wasaaradihii arimaha dibada iyo gaashaandhiga ee Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Halgamayaashii aasaasay ururku waxay ahaayeen niman xooga saaray in qadiyada Ogaden ay noqoto mid maddax bannaan sidii jabhadihii TPLF, EPLF iwm ee iyaguna la dagaalamayay maamulkii xilligaas ee Mengistu Haile Marriam.

Daciifnimada bani’aadamka awgeed, way dhacdaa in qof, koox ama hogaanka xisbi siyaasadeed uu sameeyo khaladyo xaga istiraatiijiyada ah. Haddaba waxaan waraaqdan ku qaadaa dhigaynaa bal ilduufka siyaasadeed ee lama ilaawaanka ah ee ay soo sameeyeen haatana samaynayaan madaxda ONLF.

1991 ayaa wuxuu ahaa sanadkii ugu taariikhisanaa mandaqada Geeska Afrika. Waxay ahayd xilligii ay isla dheceen labadii dawladood ee sida wayn ugu hardamay awooda iyo haysashada gobolka Ogaden. Max’ed Siyaad & Mengistu H Marriam waxay kala danbeeyeen oo kaliya 4 bilood. Waxaa intaasi kasii horeeyay oo la odhan karaa wuu u gogol xaadhay burburka labadan maamul is badalkii ku dhacay awooda caalamiga ah markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti taasoo isu dheeli tirnaanta siyaasada aduunka ka dhigtay mid laan gadhe ah oo isugu biya shubatay dhinaca reer Galbeedka.

Wuxuu waa cusubi ka baryay gobolka Geeska Afrika iyadoo Soomaaliya ay u gacan gashay malayshiyooyin hubaysan oo wadankii ka dhigay qubuur jamaaci ah oo dadka lagu aaso. Dhinaca Ethiopia xaalku wuu ka badalaa sidaas, waxayna ururka haatan haya talada wadanka Ethiopia ee EPDRF ku guulaysteen inay wadanka ka baajiyaan colaad sokeeye oo u eg mida Soomaaliya. Laakiin EPDRF kuma guulaysanin inay hanato dhammaanba qalbiga shucuubta rumaysnayd in la adoonsado sida Ogaden oo kale. Isla sanadkaas aan kor kusoo xusnay ee 1991 waxaa wadanka Ethiopia ka bilowday taariikh cusub oo ay hogaaminayso dawlad Isticmaar ah oo jilicsan laakiin aad uga xoog badan shacab kala daadsan. ONLF oo dawlada gashay waxaa la isku dhac dhex maray iyaga iyo Zenawi kadin la gudboonaaday ikhtiyaaro dhawr ah.

Waxaa ka mid ahaa inay inay xajisato booskii ay ka gashay maamulka gobolka iyada oo bishinta qaniinsan, sababtoo ah ma uusan muuqanin wax xal ah oo kale oo muuqday. Waxaa kale oo la gudboonaaday inay xoog isticmaasho. ONLF, ama nasiib wanaag dheh, ama nasiib daree waxay bilowday inay dagaal hubaysan gasho.

Dagaalkani marka la is bar-bar dhigo khasaarihiisa iyo faa’iidadiisa, wuxuu noqonayaa maah-maah Soomaaligii odhanaysay "Hebelow, nabar yar nabar wayn ku doorso". ONLF iyada oo aan taagero ka haysanin cidnaba ayay xidhka saliida gashay. Wadankii Ogaden wuxuu guda galay sanado madow oo dadku u qaybsamay afar qof:

1. Nin xidhka galay oo dakano qaba
2. Nin xeryaha maamulka galay oo aakhiro seegay
3. Nin wadanka ka cararay oo masaafuri ku maqan
4. Iyo qof reer guuraa ah oo xoolihiisa saynta haysta
Guud ahaan waxaa wadankoo dhan saameeyay jawi jahwareer ah oo cidina ayna garanynin meesha ay ka socoto iyo meesha ay u socoto. Labadii halgan ee ku kala salaysnaa ONLF iyo Al-Itixaad waxaa gun dhig u noqday oo kaliya qabaa’ilka Ogaadeenak oo aan cidina tarixin. Kama hadlayno afraad yar oo qabaa’ilka kale ah oo ujeedooyinkloodu kala badalaan karaan. Ogaadeenka laftiisu dagaalka ma wada galin laakiin wuxuu wada galay dakanada xagga dawlada.

Haddiiba dhulkaas 70% dadka ku nool ay Ogaaeen yihiin, 1% ma uusan galin halganka hubaysa ee wadanka. Haddii 1% ay huibka qaadi lahaayeen Ogaadeenka waxay ONLF iyo Itixaad haysan lahaayeen 50 000 ciidan ah. Marka xaqa laga hadlayo, awoodii militeri ee Al-Itixaadka ayaa ka badnayd mida ONLF ta, iyadoo ay gaadhay sanadkii 1994 askar gaadhaysa ilaa 1800. Waa cadadkii ugu badnaa ee askareed ee soo mara dhulkaas ilaa burburkii Siyaad iyo Mengistu.

Dawladii uu madaxa ka ahaa Melez Zenawi waxay guda gashay barnaamij la odhan karo wuxuu ahaa midkii ugu xumaa ee maamul Ethiopia sameeyo oo ah in la helo dad Soomaali ah oo buuxiya meesha Ogaadeenku baneeyay ee siyaasada gobolka. Waxaa arinkaas dhidibada u aasay Dr. C/Majiid. C/Majiid waxaa la odhan karaa wuxuu isagoo kalligii ah kaga guulaysatay diplomaasiyada ururkii ONLF.

Dhammaan qabaa’ilka Soomaalida ee gobolkaas daga marka laga reebo Ogaadeenka waxay bilaabeen inay qolo waliba boobayso awooda baylahsan ee gobolka. Waxaa ugu yaraan dagan gobolka Ogaden qabaa’il Soomaaliyeed oo gaadhaya 20 qays. Waxaa la odhan karaa waxaa ugu yar qoysaska dhulka daga Reer Aw Xasan oo iyaguna dagmo kasoo gala baarlamaanka.

Maamulkii ONLF marna isma waydiinin, maxaa ka maqan Ogaden ka kaliya oo uu Ethiopia ula dirirayaa? Maxaase Soomaalida kale ay haysataa oo aynaan inagu arag? Isma ayna waydiinin haddii ay Soomaalidii kale ka maqan tahay halganka, ma samaysanaa soohdin Ogaden kaliya ah oo ay tahay inaan xorayno maadaama ay is rabaan?

Isla mar ahaantaa waxay Soomaalidii kale ee wadanka inala daganayd ee Muslimka ahayd olole u gashay inay inooga hoos maraan maamulka iyagoo xadhig, dil, dhac iyo toogashaba u gaysta Ogaadeenka. Kaliya ma aha Soomaalida Ogaden mida Ethiopia inooga hoos martay ee Soomaalidii Soomaaliya ayaa iyaduna kaalin libaax ka gaysatay wax yeelada Ogaadeenka iyadoo isticmaalaysa xukuumada Melez Zenawi.

Reer Waqooyiga iyo Puntland ayaa si rasmi ah u fuliyay siyaasada Zenawi iyagoo sida askarta Zenawi ula dhaqma Ogaadeenka. Waxaa Ogaadeenka looga yaqaanaa deegaamada Soomaalida qaarkood "Qotida" "Oromoda" iwm. Hargaysa oo kale waxaa la sheegay in Ogaadeenka loo yaqaano badeeco laga iibiyo Xabashida.

Qaar ka mid ah askarta reer Waqooyiga ayaa la sheegay inay jaad ku amaahdeen dad Ogaadeen ah oo ay xidh-xidheen kadibna Ethiopian ka ay kaga badasheen rasaas, kadibna ay ku jabaneeyeen. Col. C/Laahi Yuusuf ayaa amar ku bixiyay in la dilo madax sare oo ONLF ahaa intii Xabashida loo dhiibi lahaa. Jabuuti cadadyo Ogaadeen ah ayay usoo dhiibtay xukuumada Zenawi.

Mooryaan isugu jirta Sheekhaash iyo Habar Gidirna waxay suuqda Muqdisho ku toogteen dad Ogaadeen ah oo uu ka mid yahay madax sare oo Ogaadeen ah oo Al-Itixaad ahaa. Dhammaan dhacdooyinkani waa wax yar oo ka mid ah sida Soomaalida kale iyo Zenawi isaga kaashadeeen la dagaalanka Ogaadeenka.

Hadaba yaa eeda leh in Ogaadeenka saas loola coloobo. Waxaan rumaysanahay in axzaabta siyaasadu ay leeyihiin eeda inteeda badan. Maxaa inagu diray gaalada iyo Muslimka labadaba??????????

Warqadani waxay soo jeedinaysaa qodobadan soo socda:

In sida ugu dhakhso badan loo bixiyo dad aqoonyahamiin ah oo baadha meesha ay xoriyadeenu ka ujuuro cunsan tahay?
Dagaalka aan maanta ku jiro, ma inaguu maslaxo inoo yahay mise cadowga?
Intee in la eg ayaan Zenawi wax yeeli karnaa inaga oo wiilka ugu rasaas badan uu haysto hal khasnad?
Ma wadi karnaa dagaal aan lahayn taageero caalami, mid daris, mis islaamnimo iyo mid African midnaba?
(Xasuusnaada inaysan jirin dawlad si rasmi ah u aqoonsan ONLF oo aan Eritrea ahayn laga soo bilaabo 1998) Xasuusnaada sidoo kale in Itixaad lala xidhiidhiyay argagixisada caalamiga ah.

Cadowgeenu maanta hadaan Ogaadeen nahay ma xukuumada Zenawi baa, mise Soomaalida kale? U fiirso waxa ka dhacaya Salaxaad, Nus Dariiq iyo xagga Jamhuuriyada Soomaalida.

Dagaalkii aan la galay Zenawi ee ay hogaaminayeen ONLF iyo Itixaad ma dal baynu ku xoraynay mise inagaa (Ogaden) ahaan dhulkii iska soo xoreynay? (Ogaadeen wuxuu isugu jiraa in wadankii kasoo tagtay oo ruuxa u sokeeyaa joogo Nairobi iyo in nooli la’ oo soo dhaqaaqaysa, dhulkiina waxaa qabsanaya Soomaalida kale)???

Waa inoo dhawaan hadii Alle idmo iyo anagoo soo gudbina waxa aan xal u aragno…

Waad mahadsan tihiin

Deeq Faysal
AFEEF: Qoraalkan loolama jeedo in cidna lagu dulmo, in axzaabta siyaasada lagu canbaareeyo, in shakhsi lagu hafro. Waxaa loola jeedaa kaliya in Ogaadeen uu bal ka fikiro danahiisa iyo sidii ay suuroobi lahaayeen.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar