WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Ethiopia oo xiriirka u jartay Qadar

21/4/ 2008 Elizabeth Blunt BBC Addis Ababa Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso xiriirka ay la leedahay waddanka Qadar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibada ee ethiopia. Warbixintan ka soo baxday xafiiska arrimaha dibedda ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday eedeeyn balaaran ka dhan ah Qatar. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Qatar ay magan galyo xumo ka abuureyso geeska Africa, oo ay taageereyso argagaxisada iyo xag jirnimada, sida hadalka loo dhigay.

Iyadoo caawisa sida lagu sheegay warkaasi kooxaha doonaya inay kor u kacdo degenaansho la'aanta Ethiopia, isla markaana inay wiiqaan ammaanka waddanka. Warbixintu waxay ku eedeeysay dowladda Qadar inay iska indho tirtay si isla weyni ku jirto, sida hadalka loo dhigay, oo ay dhagaha ka fureysatay dhamaan isku deygii Ethiopia ay ku dooneysay inay arrimahaasi wax ka badasho.

Warbixintan rasmiga ah ee ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda ee Ethiopia, ma aanay sheegin xaqiiqdii waxa ay ka hadlayaan ee arintu ku saabsan tahay, laakiin wararka ka soo baxaya wasaaradda arrimaha dibedda ee halkan waxa ay sheegayaa in dowladda Ethiopia. In Qadar ay siineyso lacag balaaran waddanka Eritria oo dhan ilaa 150 oo dollar bishii taasi oo sida ay warbixintaasi sheegeyso lagu sii fangareeyo kooxaha kacdoonka ka wada gobolka Soomaalida ee waddanka Ethiopia, ee la yiraahdo ONLF.

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ethiopia, waxa uu tixraacay waxyaabaha ay sii deyso warbaahinta Qatar, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday Telefishinka Al Jazeera ee saldhigiisu yahay wadanka Qatar.

Telefishinka la yiraahdo Al Jazeera ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay sii dayneyay warbixino uu ka soo diyaariyay gobolka Ogaden, taasi oo dawladda Ethiopia ku tilmaantay inay ahaayeen filimo propoganda u ah ururada argagaxisada, sida warbixintu ay sheegtay.


Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar