OGADEN NEWS


RAJADII NABADGALYADA OO DHAAWACANTAY !!!

25/7/05, Nabadgalyadii loogu baaqay gobolka ogadenya oo ay dhaawacday kooxda ONLF ee garabka Mr. Mohamed omar osman iyo Mr.Mohamed Ismail waxaan khadka taleefonka kula xidhiidhnay maalintii sabtida aheyd 23/7/05 dad odayaal ah oo jooga magaalada Qabridahare waxaanan ka wareysanay shilalka dhacay sida ay u dhaceen waxayna noo sheegeen sidan hoos ku qoran.

Maalintii sabtida aheyd 23/7/05, ayaa baabuur shilaabo ka yimid oo ay saaraayeen dad shicib ayaa waxaa miino wadada u dhigay kooxda ONLF ee garabka Mr. Mohamed omar osman iyo Mr.Mohamed Ismail taageersan halkaas oo ay ku dhinteen 3 nin ayna ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale magacyada dadka halkaas ku dhintay waa.

1) Cabdirisaaq cali mire ( reer shillabo)
2)Weli mohamed osman (reer goday)
3)Ayaanle abdullahi xirsi( reer qabridahare)

dadka halkaas ku dhaawacmay waxaan idiin heynaa hal nin magaciisa
1) Ina xuseen cali yare (reer qabridahare)
labada ruux ee kale weli magacyadooda ma aanaan helin. waxaa shil kale uu ka dhacay maalintii khamiista aheyd 21/07/05, baabuur ka soo baxay magaalada jigjiga oo waday alaab dayac tirka ee isbitaalka qabridahare ayaa marka uu marayo meel u dhaxaysa gebagebo iyo laandheer ayaa waxaa baabuur dhexda u galay kooxda ONLF ee garabka Mr. Mohamed omar osman iyo Mr.Mohamed Ismail taageersan baabuurkii dhamaan waxii alaab saarneyd way ka dajiyeen waxay halkaas ku gubeen dhamaan alaabtii qalabka dhismaha ee cisbitaalka Qabridahare baabuurkii ma aysan gubin oo way sii daayeen.

waxaa arin aad iyo aad la yaab ah ku noqotay dhamaan dadweynaha reer ogadenya gudaha iyo dibadaba falka xun ee ay ku kaceen kooxda onlf garabka mohamed osman iyo mohamed ismail iyada oo loo hanweynaa in ay ka qeyb qaataan nabada ay ku baaqday dawlada ethiopia falkaa ay ku kaceena waxay dhaawacday nadabii ay dawlada ethiopia ku dhawaaqday nabadaas oo ay keeneen Odayaasha Ogadenya oo mudo laba sano ah ay ku qaadatay sidii ay wax ooga qaban lahaayeen dhibaatada heysata shacabka Ogadenya.

Taasina waxay cadeyneysaa in kooxda aan kor ku soo sheegnay aysan diyaar u aheyn in ay nabad ka dhalato gobolka Ogadenya ayna sii wadayaan dagaalka waxuushnimada ah ee ay kula kacayaan dadka reer Ogadenya.

Waayo waxay is tuseen in hadii ay aqbalaan nabad in ay ka dhalato ogadenya in ay weynayaan lacagihii faraha badnaa ee ay aruursanayeen kuwa wax ma garatada ah ee siina lacagta walaaladood lagu leynayo ee kolba baabuur dad shacab ah saaran yihiin dhexda loo galayo iyaguna waxay ka qeyb qaateen halaaga shacabka ogadenya.

Warar naga soo gaadhay Denmark ayaa waxay sheegayaan in kooxda ONLF ee garabka Mr. Mohamed omar osman iyo Mr.Mohamed Ismail taageersan uu maanta ooga furmay shir ay kawada hadlayaan waxii ay ka sameyn lahaayeen odayaasha ay dawlada Ethiopia soo dirtay ee nabada wada rabana in ay wada hadal la sameeyaan kooxda aan kor ku soo sheegnay.


OGADENNEWS.COM


ogadennews1@hotmail.com