 |
|
| Cumar Xaashi Aadan waxa uu ahaa Wasiirka Amniga ee
dowladda |
16/05/09,
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar, ayaa BBC-da
u xaqiijiyay in ay qarax bomb baabuur ay ku dhinteen wasiirkii amniga
qaranka ee dowladda ku meelgaarka, Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore
ee Soomaaliya u fadhiyay magaalada Addis Ababa, Cabdikariin Faarax Laqanyo
iyo dad kale oo ay ku jiraan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka
Hiiraan.
Dhinaca kale, Madaxwaynaha dowladda Ku meelgaarka ah ee
Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dilka wasiirkii amniga iyo
safiirkii hore ee Soomaalida u fadhiyay magaalada Addis Ababa.
Taariikh nololeedka Wasiirka Amniga
Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka amaaanka isla
markaana ka tirsanaa baarlamaanka, dilkiisu waxa uu sababi karo ma cadda
laakiin markasta waa jug weyn oo soo gaartay dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Cumar xaashi waxa uu ka tirsanaan jiray saraakiishii
militeriga Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa, ragga markiiba kaalin weyn ka
qaatay siyaasadda Muqdisho, in yar kadib markii uu burburay Qaranka
Soomaaliya horaantii 1991.
Waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii bari hore
gacan saarka la yeeshay ciidamada Ethiopia, laakiin sanadkii 2006, bishii
dec markii ciidamada Ethiopia ay qabsadeen gobollo badan oo ka mid ah
Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasiamada Muqdishoi.
Cumar Xaashiw waxa uu ka mid noqday isbahaysiga dib u
xoreynta kaas oo dagaal la galay ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gudaha
Soomaaliya.
Waxa uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii isbahaysiga ugu
hooreeyay ee ka soo guurra magaalada Asmara ee waddanka Eruitrea oo xaruun u
ahayd isbahaysiga.
Waxaana uu galay gudaha Soomaaliya halkaasi oo uu ka
qeybgalau dagaal dhuumaaleysi ah oo ka dhan ahaa ciidamada Ethiopia.
Hadda inta aanu beledweyne soo gaarin waxa uu ka yimid
magaalada Godey ee dalka Ethiopia. |