WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Booliiska oo sheegtay inay dileen 17 dabley ah

22/11/08,

Booliiska oo sheegtay inay dileen 17 dabley ah BBC Mogadishu Ciidamada booliiska ee dowladda KMG ah ee Somalia Cidamada booliiska ee dowladda Somalia ayaa sheegay inay dileen 17 qof oo looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen kooxaha Islaamiyiinta, oo sida ay sheegeen doonayay inay dilaan sarkaal dowladda ka tirsan.

Warbixinta dagaalka

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas culus ay dhexmartay ciidamada dowladda iyo koox hubeysan oo weerarka soo qaaday.

Dableyda ayaa la toogtay markii ay weerar ku qaadeen guriga uu degan yahay guddoomiye degmo oo ka tirsan Muqdisho oo la yiraahdo Ahmed Daaci.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay qabsadeen oo ay gacanta ku hayaan dhamaan dekeddaha ugu waaweyn ee Koonfurta Somalia, iyagoo gacantana ku haya goobo ku dhaw magaalada caasimada ee Muqdisho.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar