WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Madaxda DKMG oo Baydhabo ku kulmay

05/12/08,

Yusuf-Garaad Cumar BBCSomali.com Madaxda sare ee DKMG ayaa Baydhabo ku kulmay Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Gudd. Baarlamaanka KMG ayaa Axaddii kulan gaar ah ku yeeshay Baydhabo si ay usoo afjaraan khilaafka ragaadiyey DKMG. Lama hubo natiijada.

Kulanka Madaxda

Cabdullahi Yusuf Axmed, Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), iyo Sh. Aadan Madoobe ayaa shirkaas albaabadu u xirnaayeen ku yeeshay madaxtooyada DKMG ee magaalada Baydhabo.

Kulanka madaxda dowladda KMG ayaa ka dambeeyey kaddib khilaaf aan qarsoodi aheyn uu dhaxeeyey madaxda, kaas oo kusoo dhexmaray Nairobi, Addis Ababa, Djibouti iyo London.

Khilaafka madaxda dowladda ayaa markii hore ka dhashay gole wasiirro oo uu soo dhisay Nur Cadde. Laakiin khilaafka ayaa markii dambe u xuub-siibtay heshiiska Djibouti.

Madaxweyne Yusuf ayaa heshiiskaas gaashaanka u daruuray, isagoo ku sheegay inuu yahay mid dhinacyo gaar ah u daneynaya. Ra'iisul Wasaare Nur Cadde ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu caqabad ku yahay hannaanka nabdda.

Maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa haddii madaxda dowladdu ay ku guuleystaan inay khilaafkooda xalliyaan.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar